War deg deg ah: Daacish oo gaari maraayay duleedka Qandala kala degtay 9 ruux

WAAJIDPRESS – 28 JAN 2017:

Ciidamo la aaminsan yahay inay ka tirsan yihiin Ururka Daacish ee deeganada Puntland ka dagaalama ayaa gaari rakaab siday oo maraayay duleedka Degmada Qandala ee Gobolka Bari, waxa ay kala dageen sagaal ruux oo ka mid ahaa dadkii saarnaa Baabuurka.

Gaarigaan oo dhinaca Magaalada Boosaaso ku sii socday ayaa waxaa wadada uga hor yimid rag tiradooda lagu qiyaasay 50 ruux oo wajiyada ay u duuban yihiin, kuwaasi oo si nabadgelyo ah gaariga ku joojiyay.

Markii ay istaajiyeen gaariga ayaa ayaa waxa ay ku amreen dhamaan dadkii saarnaa gaariga oo 16 ruux ahaa inay ka soo dagaan Baabuurka.

Maleeshiyada Daacish ayaa dadkaasi waxa ay kala dhex baxeen 9 ruux oo uu ku jiro nin Oday ah, kadibna mid ka mid ah Maleeshiyada Daacish ayaa amar ku bixiyay in la laayo dhamaan 9-ka ruux.

Daacish waxa ay sidoo kale amar siiyeen Darawalkii waday Baabuurka, Kirishbooyga iyo Hooyo wadatay saddex caruur ah inay dhaqaaqaan, aysana sheegi karin waxa dhacay.

Sagaalka ruux ee gaariga ay kala dageen ciidamada Daacish ayaa la sheegay Shan ka mid ah inay ahaayeen ciidamo ka tirsan Puntland, kuwaasi oo ka baxsaday gacanta Daacish, rasaas fara badan oo lagu ridayna aysan Khasaaro ka dhalan.

Afar ruux ayaa la sheegay inay ku hareen gacanta Kooxda Daacish, kuwaasi oo aanan la ogeyn nolol iyo geeri marxalada ay ku sugan yihiin.

Shantii ruux ee baxsaday ee ciidamada Puntland ka tirsanaa ayaa la tilmaamay inay gaareen iyaga oo badqaba Degmada Qandala, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Ciidamada Daacish ayaa ku sugan meel aanan sidaasi uga fogeyn Degmada Qandala oo ka tirsan Gobolka Bari, halkaasi oo ciidamada Puntland ay kala wareegeen.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: