War deg deg ah: Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Degmada Mahadaay ee Gobolka Sh.Dhexe

WAAJIDPRESS – 29 JAN 2017:

Mahadaay – Wararka laga helayo Degmada Mahaday ee Gobolka Sh.Dhexe ayaa sheegaya in Degaan hoostaga halkaasi uu ka dhacay Qarax xoogan oo khasaaro geystay.

Qaraxan ayaa sida la soo wariyay waxuu ka dhacay gudaha Maqaaxi ku taalla Degaanka Buurane, waxaana loo maleynayaa Miino halkaasi lagu aasay.

Dadka Degaanka qaarkood oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Qaraxaasi ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 7 Ruux.

Labo ka mid ah Dadkaasi dhaawaca soo gaaray ayaa lagu sheegay Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in dhaawacyada qaarkood la soo gaarsiiyay Isbitaalada ku yaalla Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh.Dhexe.

Maqaaxidan ayaa Sanadii la soo dhaafay waxaa weerar ka geystay Xubo ka tirsan Xoogaga Xarakada Al Shabaab oo Dagaal kula jira Dowladda Soomaaliya.

Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxaasi ka dhacay Degaanka Buurane oo hoostaga Degmada Mahadaay ee Gobolka Sh.Dhexe.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: