Archive for Febraayo, 2017

AKHRISO then DAAWO: XAALAD NOLOL ADAG OO KA JIRTA MAGAALADA WAAJID IYO QEYLO DHAAN LOO DIREY ADUUNKA IYO DOWLADA

Febraayo 28, 2017

WAAJIDPRESS – 28 FEBRUARY 2017:

Waajid – Degmada waajid Ee Gobolka Bakool Ayaa Xiligaani Waxaa Ka Taagan Dhibaatooyin Kala Duwan Oo Dhanka Noolasha Ah Iyadoo Degmada Waajid Ay U Go’doonsan tahay Kooxda Maleeshiyadka Al Shabaab Mudo Ku Dhow shan Sano.

Shacabkii Ku Noolaa Degaanada Ay Hoos Tagaan Degmada waajid Ayaa Intooda Badan ayaa Ay U Soo Barakaceen Degmadaasi Waajid Kadib Markii Ay Beerahoodi iyo Ceelalkii Warooyinkii Laga Dhaansan Jirey Biyihii Ay Noqdeen Kuwa Wax Laga Waaya Iyadoo Ay U Sii Dheertahay Cudurka Kalooraha Oo Degaanadaasi Ka jira.

Gudoomiyaha Degmada Waajid Ee Gobolka Bakool Cabdulaahi Yariisow Ayaa Waxaa Uu Ka hadley Dhibaatooyinka Xiligaani Kataagan Degmada waajid Iyo Deganadeeda waxaana Uu Sheegey In shacabka Ku Nool Degmada Waajid Ay u Baahan Yihiin Gar Gaar Deg Deg ah In Lala Soo Gaaro.

Sidoo Kale Gudoomiyaha Ayaa waxaa Uu Sheegey In Dhibaatada Ugu Adag Ay Kajirto Degaanka Buurdhuxunle Oo Qiyaasti Degmada waajid Ay U Jirto 30 Km Halkaasi Oo Ay Ku Dhinteen Ku dhawaad 110 Qof Oo Ay U Dhinteen Cudurka Shuban Biyoodka Iyadoo Degaankaasi Gacanta Ay Ku Hayaan Kooxaha Nabad diidka Al Shabaab,

Ugu Dambeentii Gudoomiyaha Degmada Waajid Ee Gobolka Bakool Maamulka Kg Cabdulaahi Yariisow Ayaa Waxaa Uu Baaq Udirey Dowlada FS iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed In Ay Gar Gaar Ay Lasoo Garaan Dadka Ku Dhibaateysan Degmada waajid Ee Deganadeeda – DAAWO:

 

War farxad leh: MADAXWEYNE Farmaajo oo gabar ka soo jeeda BEELWEYNTA DIGIL IYO MIRFLE U MAGACAABEY LA TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE XAGA ARIMAHA BULSHADA

Febraayo 28, 2017

WAAJIDPRESS – 28 Feb 2017:

Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Maxamed, ayaa magacaabay la taliyaha dhanka arimaha Bulshada, sida lagu sheegay Digreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Somaliya.

Caasho Abokar Qaasim, ayaa loo magacaabay la taliyaha dhanka arimaha Bulshada Madaxweynaha Somaliya sida lagu daabacay Warbaahinta Dowladda.

Haweenaydaan ayaa la sheegay inay khibrad u leedahay dhanka arimaha Bulshada, sidaasi awgeedna loogu magacaabay xilkaan – Akhriso decretada:

 

img_1655

War deg deg ah: Moshin Laga Keenay Madaxweynaha Iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland

Febraayo 28, 2017

WAAJIDPRESS – 28 FEB 2017:

Xildhibaanno ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland ayaa Mooshin ka keenay Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gas iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Axmed Cali Xaashi.
Xildhibaanadaan oo ku sugan Garowe ayaa ah kuwo Mucaarad ah oo ka soo horjeeda Xukumadda uu HogaamiyoMadaxweynahaPuntland C/wali Maxamed Cali.

 
Waxaa ay ku Eedeeyeen in Xukumadda C/wali Maxamed Cali Gaas aysan wax badan qaban islamarkaana ay Waqtigeedii ku lumisay Waxyaabo aan Micno la heyn.

 
Dhanka kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo Maalmahaan Joogay Boosaaso ayaa Safar Deg Deg ah ku yimid Garowe si uu u Xaliyo Mooshinka ay ka wadaan Xildhibaanada qaar ee Puntland.

War deg deg ah: Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Febraayo 28, 2017

WAAJIDPRESS – 28 February 2017:

Wararka laga helaayo xaafadda Unicef ee Degmada Xamar jajab, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax gaari, gaarigaasi oo ahaa mid wadada maraayay sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Gaariga oo ahaa nooca raaxada ah, ayaa waxaa saarnaa hal ruux oo kaliya, waxaana mar qura gaariga oo socda uu qarxay, xilli uu maraayay wadada laamiga ah ee aada dhanka Buundooyinka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya ruuxa watay gaarigaasi ee ku qarxay inuu ahaa ganacsade, balse weli lama ogaan magaciisa iyo sababta rasmiga ah ee ka dambeysay in la bartilmaameedsado.

Warar kale waxa ay sheegayaan in ruuxa gaariga lagu qarxiyay uu yahay Shaqaale ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa u muuqday nooca gaadiidka lagu dhajiyo, maadaama jugtiisa aanan si weyn looga maqlin Magaalada Muqdisho, balse qaraxa laga maqlay kaliya xaafadaha ku dhaw Buundooyinka.

Ciidamada ammaanka dowladda Somaliya ayaa tagay goobta ay wax ka dhaceen, waxaana halkaasi la xiray wadada, iyadoo ay socoto baaritaanka qaraxa dhacay.

Falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka ayaa ku sii badanaya Magaalada Muqdisho oo maalmahan dhacdooyin joogto ah oo dil ama dhaawac ah ay ka dhacaan caasimadda.

Majirto illaa hadda cid si rasmi ah uga hadashay qaraxaan laga soo wariyay inuu ka dhacay Degmada Xamar jajab.

War hadda soo dhacay: Ku dhawaad 5 Ruux oo lagu Dilay toogasho ka dhacday Magaalada Muqdisho

Febraayo 26, 2017

WAAJIDPRESS 26 February 2017:

Ugu yaraan 3 Ruux ayaa dhimatay, 3 kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen.

Goobjooge la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxuu sheegay in Dadkan ay ka mid yihiin ganacsatada Khaadka ku iibisa Xaafada Siliga ee Degmada Wadajir.

Kooxihii ka dambeeyay weerarkan toogashada ah ayaa lagu soo waramayaa in ay wateen Gaari nuuca raaxda, islamarkaana ay baxsadeen.

Dhinaca kale, Dadkii ku dhaawacay weerarka ayaa loo qaaday Isbitaal, si halkaasi xaaladooda caafimaad.

Weli lama oga cidda ka dambeysa weerarkan.

Ilaa iyo hada majiraan wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha amaanka ee Maamulka Degmada Wadajir oo ku aadan Weerarkan ka dhacay halkaasi.

War deg deg ah: Ciidamo gadoodsan oo la wareegay xarunta Baarlamaanka Puntland

Febraayo 26, 2017

WAAJIDPRESS – 26 February 2017:

Ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kumaandooska iyo Daraawiishta Puntland ayaa saakay la wareegay xarunta Baarlamaanka Puntland ee Magaalada Garoowe iyo Wasaaradda Maaliyada Puntland.

Ciidankaan la wareegay gacan ku haynta Xarunta Baarlamaanka Puntland, waxayna xirteen guud ahaan wadada horumarta xarunta Baarlamaanka.

Gaadiidka dagaalka ayeey wataan ciidamada Puntland ee la wareegay gacan ku haynta Xarunta Baarlamaanka oo ay ku sugan yihiin Xildhibaano aanan sidaasi u badneyn oo Baarlamaanka Puntland ka tirsan.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada gadoodsan ee la wareegay xarunta Baarlamaanka iyo Wasaaradda Maaliyada ayaa ka cabanaya mushaar la,aan iyo xuquuqdoodii oo ka maqan.

Xaalada Magaalada Garowe ayaa ah mid kacsan, waxaana ciidanka ay iminka ku sugan yihiin xarumihii ay la wareegeen ee Baarlamaanka iyo Wasaarada Maaliyada.

Gadoodka Ciidamaan ayaa kusoo aadaya xili mudooyinkii danbe Ciidamada Puntland iyo shaqaalaha dowladda aysan helin wax mushaar ah.

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa ku sugan Magaalada Boosaaso, halkaasi oo la sheegayo inuu ka wado arimo ku aadan isbedel uu doonaayo inuu ku sameyo Golaha Wasiirada Puntland.

KA FAAIDEYSO: MUXAADARO KU SAABSAN KHATARTA AY LEEDAHAY ISTICMAALKA BARAHA BULSHADA

Febraayo 25, 2017

WAAJIDPRESS – 25 February 2017:

 

War deg deg ah: Nabadoon ka mid ahaa ergadii soo xushey Xildhibaanada oo hadda lagu diley Muqdisho

Febraayo 25, 2017

WAAJIDPRESS – 25 FEBRUARY 2017:

Wararka goor dhowayd naga soo gaadhay nagaalada Muqdishu ayaa sheegaya in dablay hubaysan ay toogasho ku dileen mid ka mid ah ergooyinka dhowaan ka qaybgalay doorashada aqalka Baarlamaanka Soomaaliya.

Nabadoon Cismaan Khayre, ayaa waxaa goor dhow lagu dhaawacay Degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir, ka dib markii ay wadada u galeen rag bistoolado ku hubeysnaa.

Nabadoon Cismaan Khayre oo Salaaddii Maqribka ku soo tukaday Masaajid ku yaala Isgoyska Cali Kamiin, ayaa waxaa la weeraray, xilli uu ku sii jeeday hoygiisa.

Nabadoon Cismaan Khayre, ayaa waxaa uu ka mid ahaa ergadii Xildhibaanada ku soo dooratay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Dadka weerarka gaystay ayaa la sheegay inay baxsadeen.

Beegsiga lagu hayo Odayaasha Dhaqanka, ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay ku soo badanaayay Magaalada Muqdisho.

DAAWO: AQOONYAHANO IYO DHALINYARO KA SOO JEEDA DIGIL IYO MIRIFLE OO MAANTA MUQDISHO SHIR KU YEESHEY ISLA MARKAANA GO’AANO SOO SAAREY

Febraayo 25, 2017

WAAJIDPRESS – 25 FEBRUARY 2017:

 

KA FAAIDEYSO: SIDEE LAGU GARTAA IN UU SIXIR KU HAYO

Febraayo 25, 2017

WAAJIDPRESS – 25 FEBRUARY 2017: