War Deg Deg ah : Daacish Somaliya oo 3 Qof ku Gowracday Puntland & Xaalada oo kacsan

WAAJIDPRESS – 1 FEB 2017:

Waxaa duleedka Degmada Qandala ee Gobolka Bari, gaar ahaan tuulada Karin oo Qiyaastii 53-KM u jirta Qandala lagu arkay meydadka saddex nin oo qoorta laga gooyay.

Saddexdaan nin ayaa ka mid ahaa rag dhawaan Daacish ay kala dageen gaari maraayay duleedka Degmada Qandala, waxaana la sheegay dadka deegaanka inay si aad ah uga argagaxeen, markii ay arkeen dad qoorta laga gooyay.

Meydka Saddexda ruux ayaa waxaa la dul dhigay Warqad ay ku qoran tahay saddex cisho hala aaso iyo magacyada saddexdaasi nin, taasi oo fariin ahaan loogu diraayay dadka deegaanka tuulada Karin.

Dad Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Meydadka Saddexda Ruux ee la Gowracay la soo dhigay Tuulada Karin, Maleeshiyaadka Taabacsan Kooxda Daacish ee Puntland ka Dagaalanta ayaa gaari kala degey dadkani ka dibna ay gowraceen.

Xaalad Cabsi ah ayaa soo food saartay dadka ku nool Degmada Qandala iyo nawaaxigeeda, maadaama ay maqleen dadka la gowracay ee la dhigay meydkooda tuulada Karin.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: