War deg deg ah: Muqdisho oo Bandow lagu soo rogey

WAAJIDPRESS – 5 FEBRUARY 2017:

Maamulka gobolka Banaadir ayaa ku dhowaaqay bandow labo maalmood ah, taasoo bilaabanaysa gelinka dambe ee Isniinta oo ku beegan 6da bisha Febraayo 2017.

Bandowgan ayaa socon doona illaa ay ka dhamaato doorashada Madaxweynaha oo dhici doonta 8da Febraayo 2017.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale oo Warbaahinta kula hadlay Xarunta gobolka ayaa sheegay in bandowga uu saameyn doono dadka iyo gaadiidka magaalada Muqdisho.

Bandowga lagu soo rogay magaalada Muqdisho ayaa saameyn badan ku yeelanaysa shacabka magaalada Muqdisho iyo dadka kale ee maalmaha safarka ugu imaanaya.

Doorashada Madaxweynaha ayaa qorshuhu yahay in 8-da bisha February ay ka dhacdo gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Sanadkii 2012 ayaa doorashadii ka dhacday magaalada Muqdisho aanay jirin wax bandow ah oo lagu soo rogay magaalada, marka laga reebo xaafadaha ku dhow dhow halkii ay ka dhaceysay doorashada ee Dugsiga Tababarka Booliska ee Jen. Kaahiye.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: