War deg deg ah: Akhriso then Daawo: C/raxmaan Faroole oo si kulul ula Hadley Madaxweynaha Puntland isla markaanka uu maanta ka tanaasulay musharaxnimadiisa

WAAJIDPRESS – 7 FEBRUARY 2017:

C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) Madaxweynihii hore ee Puntland ahna Xildhibaan Aqalka Sare ee dalka, ayaa goor dhaweyd ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay musharaxnimada Madaxweyninimo ee Somaliya.

Faroole oo Saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay in tanaasulkiisa uu ku qotomo arimo ku aadan marxalada dalka uu maraayo iyo inay jiraan musharaxiin badan oo doonaya inay u tartamaan xilka Madaxweyne.

Waxa uu sheegay in fursad uu siinaayo musharaxiinta kale ee doonaya inay dalka hogaamiyaan, isbedelna ay ku keenaan siyaasada Somaliya.

Saacadihii ugu dambeeyay ee doorashada Somaliya ayaa lagu guda jiraa, waxaana suuragal ah in musharaxiin kale ay ku dhawaaqaan inay tanaasulaan.

Hada waxaa isku soo haray oo Liiska ku jira 22 Musharax, maadaama Faroole uu noqonaayo musharaxii labaad ee ku dhawaaqa inuu ka tanaasulay Musharaxnimada xilka Madaxtinimada Somaliya. – Daawo:

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: