War deg deg ah: Madaafiic lagu garaacey hadda Magaalada Muqdisho iyo Dagaal ka dhacay Shabeelaha Hoose

WAAJIDPRESS – 7 FEB 2017:

Duqeymo ayaa goor dhow abaare 8:10 fiidnimo ee caawa lagu qaadey qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho kuwaasoo loo adeegsaday madaafiic hoobiyeyaal ah.

Madaafiicdan ayaa ku kala dhacay Degmooyinka Xamar Jajab, Xamar-weyne, Wadada Maka Al-Mukarma ee Isgoyska Dabka  iyo sidoo kale Xaafada Kaluunka.

Duqeyntan oo daryankeeda si weyn looga maqlayey inta badan magaalada ayaa khal khal xoogan ku abuuray shacabka magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in bartilmaameedka madaafiicdan uu ahaa dhinaca garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo berri ay ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha.

Madaafiicdan, ayaa waxay ku soo beegmayan, xilli maalinta berrito ah loo madlan yahay in Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya soo doortan madaxweynaha xigga.

Dhinaca kale, Al-Shabaab oo caawa weerar ku qaaday saldhig AMISOM ku leeyihiin duleedka Ceelasha Biyaha ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhiga Ciidamada AMISOM oo ku yaala Ceelka Arbacow oo u dhow Ceelasha Biyaha.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay Weerarkan maadaama Dagaal u dhaxeeya labada dhinac uu halkaasi ka socdo

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: