GUDOOMIYE JAWAARI OO FARIIN HADDA U DIREY CIIDAMADA

WAAJIDPRESS- 8 February 2017:
Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo goordhaw Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa fariin deg deg ah waxa uu u diray Ciidamada Qalabka sida ee Dowlada Soomaaliya.

Jawaari ayaa ugu baaqay Ciidanka qalabka sida in ay joojiyaan rasaasta xoogan ay ridayaan uguna dabaal degayaan Madxaweynaha la doortay ee Farmaao, waxa uuna sheegay rasaasta ay qal qal ku abuureen shacabka Muqdisho ayna wax u dhimeyso amaanka.

‘’Waxaan ugu baaqayaa Ciidamada qalabka sida iyo dhalinyarada rasaasta rideysa in ay xabada joojiyaan , ilaah baa mahad leh oo Caawa Madaxwewyne dadku rabaan nasiiyay joojiya rasaasta ee dukada salaatu shugri ‘’ Ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Baarlamanaka Soomaaliya ayaa sidoo kale uga mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu hogaansameen awaamiirta dowlada ugna shaqeeyeen amaanka iyo xasiloonida intii ay doorashada socotay.

Magalaada Muqdisho ayaa caawa waxaa ka socda dabaal degyo waa weyn iyo rasaas xoogan oo kor loo ridayo, waxaana wali shacabka iyo Ciiadanka Soomaaliyeed muujinayaan sida ay ugu faraxsan yihiin Guusha Farmaajo ka gaaray doorashadii caawa lasoo gabo gabeeyay

 

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: