War deg deg ah: Ahlsunna Waljamaaca oo ku dhawaaqday in Ciidamadeeda ay ku wareejineyso Dowladda Cusub

WAAJIDPRESS – 11 FEB 2017:

Muqdisho  –  Sheekh Isxaaq Xuseen Mursal ( Geesadheere ) (OO ka soo jeeda Beesha DIGIL IYO MIRIFLE) ahna Xoghayaha Gaashaandhiga Ahlusunna Waljamaaca oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Cusub ee Somaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xoghayaha Gaashaandhiga Ahlusunna ka howlgasha Koofurta Soomaaliya Sheekh Isxaaq Xuseen Mursal ayaa carabka ku adkeeyay in garabkooda ay diyaar u yihiin in Ciidamadooda ay ku wareejiyaan dowladda Cusub ee Madaxweyne Farmaajo.

Ahlusunna Waljamaaca ayaa u muuqda kuwa ay aad isugu soo dhawaanayaan Dowladda Cusub ee Soomaaliya maadaama Khilaaf uu kala dhexeeyay dowladdii midaan ka horreysan.

Ururka Ahlusunna Waljamaaca ayaa lagu tilmaamaa mid kaalin aan la xaqiri Karin ka soo qaatay howlgalladii kala duwanaa ee ku aadanaa dagaaladii lala galay Xarakada Al Shabaab.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: