Dagaal Khasaare geystay oo Shabaab iyo ciidamada dowladda ku dhexmaray Gobolka Shabellaha Dhexe

WAAJIDPRESS – 13 FEBRUARY 2017:

Ugu yaraan 3 qof ayaa ku geeriyootay halka tiro ka badanna ay ku dhaawacmeen kadib markii xalay saqdii dhexe ciidan ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidanka dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Qalimow ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Ciidanka Al-Shabaab ayaa labo jiho ka weeraray Qalimow sida uu inoo sheegay qof ka mid ah dadka deegaanka, waxaana uu intaas ku daray in dagaalku aad u cuslaa.

Labo ka mid ah askarta dowladda iyo mid ka mid ah Al-Shabaab ayuu sheegay in dagaalkaas ay ku dhinteen sidoo kalena saddex qof oo shacab ah uu dhaawac ka soo gaaray, kuwaasi oo rasaas haboow ah guryahooda ay ugu tagtay.

Ogaalka dadka shacabka ka sokow ma jirto cid kale oo xaqiijinaysa Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, balse waxaa suuragal ah in Khasaaraha intaasi uu ka badan yahay, maadaama dagaalka uu ahaa mid culus.

Saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Shabaab intaba kama aysan hadlin dagaalkaan xalay saqdii dhexe Shabaab iyo ciidamada dowladda ku dhexmaray Gobolka Shabellaha Dhexe.

Ciidamada Shabaab ayaa inta badan weeraro kala duwan waxa ay ku qaadaan difaacyada ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda ay ku leeyihiin Gobolada dalka.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: