Saraakiil Shabaab ka tirsan oo iska soo dhiibay Magaalada Baydhabo

WAAJIDPRESS – 13 FEBRUARY 2017:

Laba nin oo ka tirsan Saraakiisha Ururka Al Shabaab ee Gobolka Baay, ayaa maanta isu soo dhiibay Maamulka Koonfur Galbeed, ka dib wada hadalo u socday labada dhinac.

Raggan, ayaa maalmihii ugu dambeeyay bilaabay in ay la soo xiriiraan Maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo maantana ay yimaadeen Magaalada Baydhabo, laguna qaabilay.

Wasiirka Hub Ka Dhigista & Dhaqancelinta Maleeshiyada ee Maamulka Koonfur Galbeed, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay), ayaa soo dhaweeyay tallaabada ay isu soo dhiibeen raggan.

Wasiirka, ayaa waxaa uu iftiimiyay in raggaasi ay u soo bandhigi doonaan Saxaafadda, waxaana uu ballanqaaday in cid kasta oo isa soo dhiibta, la nabad-gelin doono.

Wasiirka, ayaa wuxuu dhalinta la khalday uu ugu baaqay in ay isaga soo goystaan maleeshiyada Ururka Al Shabaab, isla-markaana ay joojiyaan dhibaatada ay dadkoodu ku hayaan.

Maaha markii ugu horeysay oo xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab ay isu soo dhiibaan Maamulka Koonfur Galbeed, oo ka arrimiya Gobolada Bakool, Baay iyo Shabellaha Hoose.

Shabaabka, ayaa dagaal kula jira Dowladda Dhexe Somaliya iyo Maamul Goboleedyada Wadanka ka dhisan. Shabaabku waa caqabadda keliya ee maanta liddiga ku ah xasiloonida Somaliya.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: