XOG: Ugaarsi ku bilawday Xildhibaanada BF iyo tuhun laga qabo Musharraxiinta…

WAAJIDPRESS – 13 FEBRUARY 2017:

Warar hoose oo ay heshay wakaalada WAAJIDPRESS ayaa sheegaya in halis amaan iyo ugaarsi uu ku bilawday Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya kaddib Doorashadii Farmaajo ,Xildhibaanada ayaa wajahaya Mowjado siyaasadeysan oo halis ku ah Noloshooda.
Maalin ka hore larasaaseeyay Mid ka mid ah xildhibaanada Dowlada in kastoo Magaciisa aanan helin laakiin waxaa la ogyahay in ka dambeyeen Ilaalada gaarka ee guddoomiyihii hore ee Degmada Wada jir “Axmed Daaci” waxaana ku dhintay laba ruux oo shacab ah.

 
Sidoo kale waxaa xalay la weeraray gaari ay la heyd Xildhibaanad Muna Key oo ka tirsan Aqalka Hoose, sida naloo xaqiijiyay gaariga iyada xiligaa ma aysan saarneyn balse waxaa uu khasaaro ka soo gaaray darawalkeeda & qof shacab ah oo wadada marayaya dhaawacyo halis ah soo gaaray.

 
Illo sirdoon ah ayaa xaqiijiyay jiritaanka weeraro halis ah oo la abaabulay kuwaas oo lagu qaarajin rabo Xildhibaanada labada Aqal kadib doorashadii 8dii bishan ka qabsooontay Muqdiso, taas oo la sheegayo in lacago badan Musharraxiinta ay ku qarash gareeyeen.

 
Qarashaadka ku baxay Doorashadii Maaxweynaha ayaa lagu qiyasay 27 Milyan oo ay bixiyeen Madaxweynihii Xilka looga guuleystay Xasan Sheekh, Sheekh Shariif,CC Sharma’arke iyo Musharraxiin kale kuwaas oo sida la ogyahay xildhibaanada intooda badan aysan u codeeyn.
Wararka ay intaa ku daraya in badi xildhibaanada ay lacagataas ay wax ka qaateen haddana aysan Codkooda siinin Musharraxiinta oo dhan, taas ayaana sababi karta ayaa lagu xiri xogta halis dhowr jaho kaga timaada Mudanayasha Labada Gole ee Baarlamaanka Somalia.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: