Banaanbax ka dhan ah shirkada maamusha Dakadda Muqdisho oo maanta ka dhacay afaafka hore ee Dakadda

WAAJIDPRESS – 14 FEBRUARY 2017:

Xoogsatadii hore ee Dakadda Magaalada Muqdisho, ayaa maanta oo Talaado ah waxa ay isugu yimaadeen dibad bax ay ku hor qabteen Afaafka hore ee Dakadda Magaalada Muqdisho.

Dibadbaxaan ayaa wuxuu ahaa mid xoogsatada ay ku dalbanayeen in dalka laga eryo Shirkada Albeyrak ee Maamusha Dakadda Muqdisho, taasi oo labo sano ka hor lagu wareejiyay Dakadda.

Xoogsatadii hore ee Dakadda Muqdisho, ayaa ka dalbaday Madaxweynaha cusub ee Somaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) inuu soo celsho xoogsatada shaqooyinkii ay ka qaban jireen Dakadda.

“Waxaan ka dalbaneynaa Madaxweynaha cusub in shirkadaan laga eryo Dakadda, maadaama Xoogsatadii shaqooyinkii ay qaban jireen Shirkadan iyada ay ku anfacaado, waan ka xunahay sida horay naloogu galay muddo labo sano ah ma aynaan shaqeysan.” Ayeey dhaheen Xoogsatadda.

Xoogsatada ayaa watay Boorka uu ku sawiran yahay Madaxweynaha cusub ee dalka Maxamed C/laahi Farmaajo, iyaga oo rajo ka muujiyay inuu tixgeliyo codsigooda ku aadan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyika shirkada Albeyrak ay u geysatay Xoogsatadii hore ee Dakadda Muqdisho.

Madaxweynaha cusub ee dalka ayaa laga rajeynayaa inuu wax badan ka qabto hanaanka ay ku shaqeeyaan shirkado Turki ah oo shacabka Somaliyed, faa’iidooyinkii ay heli lahaayeen si fudud ku qaata, kuwaasi oo kala Maamula ilaha dhaqaalaha dalka ugu muhiimsan sida Garoonka iyo Dakadda.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: