War deg deg ah: Dagaal Xoogan oo ka dhacay manta Gobolka MUDUG

WAAJIDPRESS – 14 FEB 2017:

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Dagaal geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaas oo ka dhacay Degaano ka tirsan Gobolka Mudug.

Dagaalkan oo si gaar ah uga dhacay Degaanka Ceel-cabdi ayaa yimid kadib markii Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerar dhaba gal ah u dhigeen Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug oo garab ka helayay Ciidamo cadaan ah oo watay Diyaaradaha Dagaalka.

Dagaalka oo socday mudo saacado ah ayaa waxa ay labada dhinac isku adeegsadeen Hubka nuucyadiisa kala duwan, maadaama dadka Degaankaa ay Idaacadaha u sheegeen in ay maqlayeen jugta Madaafiicda iyo Hugunka Rasaas xoogan.

Kooxda shabaab ayaa goor dhow war kasoo saartay dagaalka xooganaa ee maanta kadhacay qeybo katirsan gobolka mudug kasoo khasaaro xoogan dhaliyay.

Shabaab ayaa sheegay in ay dileyn in ka badan 10 qof waxaana ay sheegeyn in tiro kale ay dhaawacayn.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasada iyo amniga Gobolka Mudug oo Risaala ay la xiriirtay ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo Dagaalka, balse waxa uu sheegay in ay jiraan khasaare dhaawac ah oo soo gaaray Ciidankooda, dhanka Shabaabkana uu san cadeyn karin khasaaraha gaaray.

Hawada Degaanka Camaara iyo Degaanada ku dhow dhow ayaa waxaa ku dul heehaabaya Diyaarado Dagaal oo joog hoose ku socda.

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: