Nabadoon caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho

WAAJIDPRESS – 15 February 2017:

Allaha u naxariistee Nabadoon Muuse Maxamuud Rooble (Muuse Ilka-weyne), ayaa waxaa fiidnimadii caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho, iyadoo dhinaca kalana aan la garanayn waxa uu salka ku hayo dilkiisa.

Nabadoon Muuse Maxamuud Rooble, ayaa waxaa Salaaddii Maqribka ka dib lagu dilay Degmada Wadajir, gaar ahaan Suuqa Weyn, wax yar ka dib markii uu Maqribka ku soo tukaday Masaajid halkaasi ka ag-dhow.

Goobjooge, ayaa sheegay laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa in ay Oday Dhaqameedka ku suggayeen afaafka hore ee Masaajidka, markii uu ka soo baxayna ay dhawr xabadood kaga dhufteen qaybaha sare ee jirkiisa.

Ciidamada ammaanka ee ka hawlgala Degmada Wadajir, ayaa daqiiqado ka dib gaaray halkii uu falku ka dhacay. Ciidamada waxay goobta gaareen, xilli ay baxsadeen dembiile-yaasha.

Dembiile-yaasha oo lala xiriirinayo Ururka Al Shabaab, ayaan waxba laga aqoon baahida ku khasabtay in ay dilaan Nabadoon Muuse Maxamuud Rooble.

Nabadoon Muuse Ilka-weyne, ayaa wuxuu ka tirsanaa Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Daa’uud, Abgaal, iyadoona si weyn looga garanaayay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Degmada Wadajir.

Hal habeen ka hor, ayay ahayd markii Magaalada Muqdisho lagu dilay Allaha u naxariistee Nabadoon Bashiir Maxamed Cali (Xagaley). Nabadoon ayaa lagu dilay Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan dhinaca khudaarta.

Allaha u naxariistee Nabadoon Bashiir Xagaley, ayaa xubin ka ahaa ergadii soo xushay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ee lagu soo doortay Magaalada Cadaado.

Ururka Al Shabaab, ayaa billihii ugu dambeeyay beegsi ku haayay ergada soo xushay Xildhibaanada Labada Aqal.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: