War deg deg ah: Xoogaga Al-Shabaab oo Madaafiic maanta ku weeraray Madaxtooyada Somaliya xili ay xilwareejin ka socotey

WAAJIDPRESS – 16 FEB 2017:

weerarkii-hoobiyeyaasha-ee-maanta-lagu-qaaday-xarunta-madaxtooyada-1 weerarkii-hoobiyeyaasha-ee-maanta-lagu-qaaday-xarunta-madaxtooyada-2 weerarkii-hoobiyeyaasha-ee-maanta-lagu-qaaday-xarunta-madaxtooyada-3

Tiro madaafiic ah oo duhurnimadii maanta lagu weeraray Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia.

Madaafiicdaan oo tiradooda ay gaarayso illaa 4 madfac ayaa la sheegayaa inay ku soo dhaceen xaafado ku yaala dhabarka dambe ee Madaxtooyada Somaliya Xili ay ka socotey Xil wareejinta Madaxweyne ee ay sameynayeen Xassan Sheekh iyo Madaxweyne Farmaajo.

Madaafiicdan oo ku soo daatay hareeraha Villa Somalia, ayaa waxay laba ka mida ku soo dhaceen guri ku yaala xaafadda Caga-dhiig ee Degmada Wardhiigley, waxaana ku dhimatay laba carruur ah oo wada dhalatay, iyadoo sideed kalana ay ku dhaawacantay.

“Wiil iyo gabar wada dhashay, ayaa ku dhintay madaafiicda. Laba carruur oo kale oo walaalo ay yihiin iyo hooyadoodna way ku dhaawacmeen. Qoyskii kale ee guriga la deganaa waxaa kaga dhaawacantay shan ruux, oo kala ah afar carruur oo wada dhalatay iyo hooyadood. Xilligii ay madaafiicda ku soo dhacayeen guriga waxaa ka maqnaa labada aabe.”

“Wiilka iyo gabadha ee ku dhintay madaafiicdan, ayaa waxaa dhalay nin taksiile ah oo lagu magacaabo Cali Qoobeey, oo si weyn looga garanayo Degmada Wardhiigley.”

Madaafiicdan, ayaa waxaa lagu soo beegay  markii maanta uu xilka si buuxdo ula wareegaayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: