War deg deg ah Dilkii labaad oo hadda Muqdisho ka dhacay

WAAJIDPRESS – 18 FEBRUARY 2017:

Afhayeenkii hore ee Maamulkii Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Hagafey, ayaa lagu dilay weerar kooxo hubaysan ay ka geystaan Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Wararka waxa ay sheegayaan in Dabley hubaysan oo gaari wadatay ay rasaas ku fureen gaari uu watay Afhayeenkii hore, kadibna uu u geeriyooday rasaastaasi.

Maxamed Cumar Hagafey, ayaa xilliga la rasaaseynaayay wuxuu watay gaari yar wuxuuna maraayay agagaarka Isbitaalka Digfeer ee Degmada Hodan.

Dableyda hubaysan ee gaariga watay ayaa waxa ay ka baxsadeen goobta ay dilka ka geysteen ee Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Degmada Hodan, ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay geerida loo geystay Afhayeenkii hore ee Maamulka Ximan iyo Xeeb.

Muqdisho maanta kaliya waxaa ka dhacay labo weerar oo ay fuliyeen rag hubaysan oo watay gaari, waxaana soo noqotay falalkii lidiga ahaa ee dhanka ammaanka ee ay geysan jireen kooxaha hubaysan ee gaadiidka wato.

Saraakiisha ammaanka Gobolka Banaadir weli kama aysan hadlin falalkaan lidiga ku ah dhanka ammaanka ee maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Faallo u dhaaf