War deg deg ah DAAWO: Qarax weyn oo AY 30 qof ku dhinteen oo hadda Muqdisho ka dhacay

WAAJIDPRESS – 19 FEBRUARY 2017:

Qarax weyn oo Muqdisho oo dhan laga maqley oo hadda dhacay; Baabuur Waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa lagu qarxiyey goob ganacsi oo la yiraah Kaawo Godey oo ku taalada degmada WADAJIR ee magaalada Muqdisho.

Gaariga qarxay oo ahaa nooca Baabuurta Harrier-ka isla markaana uu watay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa oo doonayay inuu dhibaato ugeysto Shacabka.

In ka badan 30-qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxaasi aadka u xooganaa , waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay dad ka badan 40-qof oo qaarkood la sheegay in ay qabaan dhaawacyo aad u culus.

Qaraxa ayaa ka dhacay goob aad u mashquul badneyd oo ay dadku isugu yimaadaan, waxaana ka dhashay khasaare xoogan oo soo gaaray dad shacab ah,Goobta qaraxa waxa ay eheyd Boosteejo Baabuurta laga raro, xarumo ganacsi oo yaryar iyo goobo ay haweenka ku iibiyaan Qaadka.

Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in goobta uu buux dhaafiyay Maydka hilibka dadweynihii ku dhintey.

Wuxuu weerarkani ahaa mid ka mid ah weeraradii ugu xumaa ee ka dhacay Magaalada Muqdisho, marka aad milicsato baaxadda uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay.

Al-Shabaabka, ayaa ku cago jugleeyay in dagaal adag ay la geli doonaan Dowladda Madaxweyne Farmaajo, iyagoo Farmaajo ku tilmaamay adeege uu soo dirsaday Mareykanka.

Qaraxan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ka dhacay Muqdisho tan iyo markii la doortay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo – DAAWO:

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: