War deg deg ah: Nabadoon caawa lagu dhex dilay hoygiisa oo ku yaala Magaalada Muqdisho

WAAJIDPRESS – 20 FEBRUARY 2017:

Koox Bastoolado watay ayaa Goor Dhow Gurigiisa ku dhex Dilay Nabaddoon Cabdi Cumar Ibraahim oo kamid ahaa Ergadii Koofur Galbeed ku soo doortay Xildhibaanada Soomaaliya,

ALLAHA U NAXARIISTO, Nabadoon Cabdi Cumar Ibraahim, ayaa waxaa caawa lagu dhex dilay hoygiisa oo ku yaala Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Rag bistoolado ku hubeysnaa, ayaa fiidnimadii caawa gudaha u galay hoyga Nabadoon Cabdi Cumar Ibraahim oo ku yaala agagaarka xaafadda Buur Koroole, iyadoona la sheegay in ay ku dhex dileen.

Raggan, ayaa waxay falkaasi ka dib ka baxsadeen goobtaasi, oo mar dambe ay gaareen Ciidamada Booliska ee ka hawlgala Degmadaasi Xamar Jajab.

Nin ka mid ah dadka deegaanka, ayaa sheegay in Ciidamada Boolisku ay halkaasi soo gaareen, mar ay ka carareen raggii wax dilay, oo tiradoodu uu ku sheegay laba nin.

Ciidamada Booliska, ayaa waxaan jirin cid ay u soo qabteen tallaabada lagu dilay Allaha u naxariistee Nabadoon Cabdi Cumar, oo ka tirsanaa ergadii soo xushay Xildhibaanadii lagu soo doortay Magaalada Baydhabo.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ku soo badanayay dilalka ka dhanka ah Odayaasha Dhaqanka, ee ka qayb qaatay doorashooyinka Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya.

Afhayeenka Guud ee Ururka Al Shabaab, Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), ayaa horey ugu hanjabay in ay tallaabo ka qaadi doonaan Odayaasha Dhaqanka, haddii ay ka qayb qaataan doorashooyinka.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: