War deg deg ah: XILDHIBAANADA BAARLAMAANKA FEDERAALKA EE KA SOO JEEDA DIGIL IYO MIRIFLE OO DIGNIIN KAMA DAMBEYS AH U JEEDIYEY MAAMULKA PUNTLAND

WAAJIDPRESS – 21 FEBRUARY 2017:

Dhamaan Xildhibaanada BEELWEYNTA DIGIL IYO MIRIFLE iyo Maamulka KOONFUR GALBEED ee lagu soo doortey BAYDHABA  ee  Ka Tirsan Baarlamanka Federaalka ee Aqalka hoose iyo Aqalka Sare ee Soomaaliya oo maanta kullan Ku yeeshey magaalada Muqdisho ayaa digniin kulul oo kama dambeys ah u jeediyey Maamul Goboleedka Puntlanad uguna baaqey in ay si deg deg ah ku Joojiyaan Dhibaatada iyo Tacadiyada Loo Geysanaayo Dadka Ka Soo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya kuwaasoo Puntland ku gurtey Xabsiyada Degaanadeeda.

Xildhibaanada ayaa waxay Sheegeen in dadkaas ay ka soo barakaceen Abaarta Ka Jirta Soomaaliya isla markaana waxay Ka Codsadeen hadii ay dhib ku qabto ay u soo wareejiso Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ama Dowlada Dhexe.

Xildhibaan Dr. Maxamed Isaaq Afaraalle oo ka mid Mudanaayasha Aqalka Hoose Ee Somalia ayaa Maamulka Puntland ku eedayey Faruuq Gooni ah oo ay ku hayso dadka ku hadla Luuqada MAAYGa kuwaasoo in badan ay ka Shaqeystaan Degaanada Maamulka Puntland isla markaana Bixiya Canshuurta Guud Ee Maamulka Qaada oo Mushahaaraadka Looga Dhigo Ciidanka iyo Shaqaallaha Dowlad Goboleedka Puntland.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay Dowlada Dhexe iyo Hay’adaha Xuquuqul insaanka inay wax ka qabtaan Tacadiyada Joogtada ah ee Puntland ay la beegsaneyso Bulshada KGS Ee Ku dhaqanka Degaanada Maamulkaas, Xili ay jirto Abaar daram iyo Shuban Biyood,

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: