War hadda soo dhacay: Ganacsade lagu toogtay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho

WAAJIDPRESS – 21 FEB 2017:

Wararka inaga soo gaaraya Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in nin ganacsade ahaa lagu dhex dilay Suuqa Bakaaraha.

Dilka ninkaan ganacsadaha ah ayaa wuxuu yimid, kadib markii rag ku labisan dareeska ciidanka dowladda ay rasaas ku fureen, xilli uu ka dhaga adeegay inuu dhiibo taleefoonkiisa gacanta oo ay doonayeen inay ka qaataan ragga hubaysan.

Ragga dilka geystay oo sitay Qoryo Ak-47 ah ayaa mid ka mid ah wuxuu ku furay rasaas ninka ganacsadaha ah, markii uu diiday inuu dhiibo taleefoonkiisa, iyadoo rasaastaasi uu u geeriyooday ganacsadaha.

Dilkaan ayaa wuxuu ka dhacay Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan qaybta lagu iibiyo Malabka, sida ay xaqiijiyeen ganacsatada kale ee suuqa ku sugnayd, ninka la dilay ayaa ka mid ahaa ganacsatada malabka iibisa.

Askartii falkaasi dilka ah gaysatay oo labo askari aheyd ayaa goobta ka baxsatay, kadib markii ay dileen ninkaasi ganacsadaha ahaa oo saaka u soo shaqo tagay suuqa Bakaaraha, xilli oo doonaayay inuu dhacsado nolol maalmeedkiisa.

Dilalka ay geystaan ciidamada dowladda ayaa ka dhaca Muqdisho, iyadoo inta badan aanan lagu guuleysan askarta rayidka dhibaatada u geysata in gacanta lagu soo dhigo, kadibna cadaalada la hor keeno.

Ciidamada dowladda, gaar ahaan ciidanka Millateriga ayaanan muddo 8 bilood ah qaadan mushaar, taasi oo keenaysa in ciidanka ay ku qamaamaan shacabka.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: