XOG: YAA KA DAMBEEYEY MAGACAABISTII RAISUL WASAARE LOO MAGACAABEY Mr. Kheyre iyo Ra’isul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya oo ka hadlay xilka loo magacaabay (Daawo Muuqaal)

WAAJIDPRESS – 23 FEB 2017:

Ra’isul Wasaaraha cusub ee Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa markii ugu horeesay ka hadlay xilka loo magacabay, waxa uuna sheegay in uu aqbalay xilka loo magacaaby uuna soo dhawenayo.

Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in Madaxweyne Farmaajo usoo xusho Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, waxa uuna balan qaaday in uu si buuxda oo hufan ula shaqeyn doono Madaxweynaha .

Xasan Cali Kheyre uu ahaa mid ka mida la-taliyeyaasha madaxweyne Xasan Sheekh.

Ninka ugu weyn ee arrintan loo saarinayo ayaa ah guddoomiyaha Xisbiga Daljir Xasan Macalin Maxamuud oo ka tirsan kooxda Aala-sheekh, kana soo jeeda beesha Murusade, kaasoo hore ugu guuleystay in walaalkiis loo magacaabo la-taliyaha dhinaca ammaanka ee madaxweyne Farmaajo.

Ninka labaad ee arrintan ka danbeeya ayaa la sheegay inuu yahay gacan-yaraha Madaxweyne Farmaajo ninka lagu magacaabo Fahad Yaasiin (oo ka soo jeeda beesha SHEEKHAAL – REER AW-XASSAN) oo si weyn uga hor yimid in shaqsi kasoo jeeda beelaha Abgaal ama H/Gidir loo magacaabo xilka Ra’iisal wasaaraha.

Qofka saddexaad oo madaxweyne Farmaajo ku qanciyay inuu xilkan u magacaabo Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegay inuu yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo madaxweyne Farmaajo ku tirtirsiiyay inuu ka dhex baxo loolanka awoodeed ee beelaha Abgaal iyo Habargidir, iyadoo Xasan Cali Kheyre uu ahaa mid ka mida la-taliyeyaasha madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa Farmaajo kula taliyay inuusan xilka Ra’iisal wasaaraha u magacaabin beeshooda; DAAWO hadalada uu manta jeediyey Xassan Cali Kheyre:

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: