War deg deg ah: Shaqaale Hay’adda Save oo lagu afduubey Gobolka Hiiraan iyo Qarax lala eegtey Ciidamada Kenya ee Jubada hoose

WAAJIDPRESS – 23 FEB 2017:

Shaqaalaha samafalka hay’adda Save the Children iyo darawalkii gaariga u waday ayaa maanta laga afduubtay deegaan lagu magacaabo Xujuub oo qiyaastii 10 KM dhinaca koonfur bari ka xiga magaalada Baledweyne.

Wali lama sheegin kooxda wax afduubtay, laakin deegaanka uu afduubka ka dhacay waxaa ka howlgala kooxda Al-Shabaab.

Shaqaalaha ayaa degaanka u tagay howl samafal ah, waxaana ay ka qeybinayeen cuntada loo isticmaalo nafaqo darida ee Plumpnet.

Saraakiil hay’adda ka tirsan iyo Masuuliyiinta Gobolka Hiiraan ayaa labaduba ka gaabsaday iney faahfaahin ka bixiyay afduubka dhacay.

Dhinaca kale isla maanta,   Duleedka Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada hoose ciidamada Kenya ayaa halkaasi waxaa lagula eegtay qarax Khasaare geystay.

Qaraxan ayaa lala eegtay gaari ka mid ahaa Kolonyo ciidamada Amisom ah oo ka u socday Degmada Dhoobley, waxaana lagu qarxiyay deegaanka Haawinaa oo ku yaal duleedka Dhoobley.

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga hago, ayaa wararka waxa ay sheegayaan inay goobtaasi galiyeen dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Ururka Al Shabaab Baraha Internetka ee ay wararka ku faafiyaan, ayaa waxa ay ku sheegteen masuuliyada qaraxaasi, iyaga oo ku faanay in gabi ahaanba uu bur buray gaarigii ay wateen ciidamada Kenya.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: