War hadda soo dhacay: Nin caawa lagu dhex dilay Masaajid ku yaala Magaalada Muqdisho

WAAJIDPRESS – 24 FEB 2017:

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho, ayaa waxay sheegayan caawa in nin lagu dhex dilay Masaajid ku yaala inta u dhaxeyso Buundooyinka Degmooyinka Waaberi & Xamar Jajab.

Rag bistoolado ku hubeysnaa, ayaa xilligii Salaadda Cishaha laga soo dareeray waxaa ay ninkaan ku dhex toogteen Masaajidka Bandhabow, iyagoo dilka ka dibna ka baxsaday goobtaasi.

Ciidamada Dowladda, ayaa daqiiqado ka dib ku baxay halkaasi, sidii horey u dhici jirtayna waxaa ay ku fashilmeen soo qabashada dembiile-yaasha.

Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in ninka la dilay uu ka tirsanaa Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), laguna magacaabi jiray Maxamed Cumar.

Taliska Nabad Suggida iyo Maamulka Gobolka Banaadir, ayaan midna ka hadlin tallaabada lagu dilay Maxamed Cumar.

Kooxaha bistooladaha la cararaya, ayaa waxay toddobaadyadii ugu dambeysay kordhiyeen dilalka ay ka gaysanayaan Magaalada Muqdisho. Kooxahan waxaa si dhow loola xiriiriyaa mintidiinta Al Shabaab.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: