War deg deg ah: Ciidamo gadoodsan oo la wareegay xarunta Baarlamaanka Puntland

WAAJIDPRESS – 26 February 2017:

Ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kumaandooska iyo Daraawiishta Puntland ayaa saakay la wareegay xarunta Baarlamaanka Puntland ee Magaalada Garoowe iyo Wasaaradda Maaliyada Puntland.

Ciidankaan la wareegay gacan ku haynta Xarunta Baarlamaanka Puntland, waxayna xirteen guud ahaan wadada horumarta xarunta Baarlamaanka.

Gaadiidka dagaalka ayeey wataan ciidamada Puntland ee la wareegay gacan ku haynta Xarunta Baarlamaanka oo ay ku sugan yihiin Xildhibaano aanan sidaasi u badneyn oo Baarlamaanka Puntland ka tirsan.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada gadoodsan ee la wareegay xarunta Baarlamaanka iyo Wasaaradda Maaliyada ayaa ka cabanaya mushaar la,aan iyo xuquuqdoodii oo ka maqan.

Xaalada Magaalada Garowe ayaa ah mid kacsan, waxaana ciidanka ay iminka ku sugan yihiin xarumihii ay la wareegeen ee Baarlamaanka iyo Wasaarada Maaliyada.

Gadoodka Ciidamaan ayaa kusoo aadaya xili mudooyinkii danbe Ciidamada Puntland iyo shaqaalaha dowladda aysan helin wax mushaar ah.

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa ku sugan Magaalada Boosaaso, halkaasi oo la sheegayo inuu ka wado arimo ku aadan isbedel uu doonaayo inuu ku sameyo Golaha Wasiirada Puntland.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: