War deg deg ah: Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

WAAJIDPRESS – 28 February 2017:

Wararka laga helaayo xaafadda Unicef ee Degmada Xamar jajab, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax gaari, gaarigaasi oo ahaa mid wadada maraayay sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Gaariga oo ahaa nooca raaxada ah, ayaa waxaa saarnaa hal ruux oo kaliya, waxaana mar qura gaariga oo socda uu qarxay, xilli uu maraayay wadada laamiga ah ee aada dhanka Buundooyinka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya ruuxa watay gaarigaasi ee ku qarxay inuu ahaa ganacsade, balse weli lama ogaan magaciisa iyo sababta rasmiga ah ee ka dambeysay in la bartilmaameedsado.

Warar kale waxa ay sheegayaan in ruuxa gaariga lagu qarxiyay uu yahay Shaqaale ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa u muuqday nooca gaadiidka lagu dhajiyo, maadaama jugtiisa aanan si weyn looga maqlin Magaalada Muqdisho, balse qaraxa laga maqlay kaliya xaafadaha ku dhaw Buundooyinka.

Ciidamada ammaanka dowladda Somaliya ayaa tagay goobta ay wax ka dhaceen, waxaana halkaasi la xiray wadada, iyadoo ay socoto baaritaanka qaraxa dhacay.

Falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka ayaa ku sii badanaya Magaalada Muqdisho oo maalmahan dhacdooyin joogto ah oo dil ama dhaawac ah ay ka dhacaan caasimadda.

Majirto illaa hadda cid si rasmi ah uga hadashay qaraxaan laga soo wariyay inuu ka dhacay Degmada Xamar jajab.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: