Archive for Maarso, 2017

War deg deg ah: Farmaajo oo Maanta jago u magacaabey Gacanyarihii MADAXWEYNE Xassan Sheekh

Maarso 31, 2017

WAAJIDPRESS – 31 MAR 2017:

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa Agaasimihii hore ee hab Maamuuska Madaxtooyada iyo Kaaliyihii gaarka ahaa ee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/raxmaan Aadan Cusmaan ”Kampala” u magacaabay Safiir Ku­xigeenka Soomaaliya ee dalka Kenya iyo Qunsulka koowaad ee Safaaradda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Kampala ku bedelay Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan (oo ka soo jeedey Beesha Abgaal – Mudulood) oo horay xilkan u hayay.

Maxamed Amiin oo xilka laga qaaday ayaa ah Senator ka tirsan Aqalka sare.

Magacaabida Kampala ayaa waxaa Madaxweyne Farmaajo ka dhameeyay Xasan Sheekh oo ahaa Madaxweynihii hore ee Somalia.

Sidoo kale, Amb. Jamaal Maxamed Hassan oo ahaa Safiirkii Soomaaliya u fadhiya Kenya ayaa waxaa loo magacaabay xilka Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha.

 

Advertisements

WAR DEG DEG AH: Qarax xoogan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Maarso 31, 2017

WAAJIDPRESS – 31 MAR 2017:

Sida dad goob jooga yaal ah ay inoo sheegeen Kooxo hubeysan ayaa Bam gacmeed waxaa ay ku weerareen Ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya.

 
Weerarka qarax ah waxaa uu ka dhacay Gudaha Suuqa Bakaaraha Ee Magaalada Muqdisho waxaana la sheegay in uu si gaar ah uga dhacay Qaraxa Halka lagu iibiyo Badarka.

 
Ciidamo ka tirsan Dowlada Ayaa la sheegay in uu khasaaro ka soo gaaray oo dhaawac u badan balse tirada askarta dhaawacantay ma’hayno ilaa hadda.
Askar kale oo ka tirsan Kuwa amaanka ayaa goobta gaaray waxaan aay bilaabeen baaritoono lagu baadi goobayo ragii qarax ka dambeyay kuwaas oo la sheegay in markii qaraxa ay ku tuureen Ciidamadu in ay baxsadeen.

DAAWO: SHACABKA IYO XILDHIBAANADA DIGIL IYO MIRIFLE OO KA SOO HORJEESTEY WASIIRADA CUSUB EE UU MAGACAABEY RAISUL WASAARE KHEYRE – Sababta……

Maarso 31, 2017

WAAJIDPRESS – 31 MAR 2017:

 

 

DAAWO: HEESTII “NIN LAGU SEEXDOW HA SEEXAN

Maarso 31, 2017

WAAJIDPRESS – 31 MAR 2017:

 

 

DAAWO: KU SIMAHA MADAXWEYNAHA Prof. JAWAARI OO KA HADLEY ARIMO BADAN CASHADII XALAY

Maarso 30, 2017

WAAJIDPRESS – 30 MAR 2017:

 

Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa si qiiro leh uga hadlay wararka sheegaya inuu ka hor yimid xukumadda Soomaaliya ee RW Xasan Cali Kheyre – DAAWO:

 

War deg deg ah: Tiro Madaafiic ah oo KU soo dhacdey Nawaaxiga Madaxtooyada ee Muqdisho

Maarso 30, 2017

WAAJIDPRESS – 30 MAR 2017:

Tiro madaafiic ah ayaa goor dhaw ku soo dhacay nawaaxiga Madaxtooyadda Somaliya ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan dhanka xigta Xaafaddaha 15-May ee dhabarka dambe ee Madaxtooyadda.

Xilligan oo saacada Magaalada Muqdisho ay tahay 12:30 duhurnimo.

Waxaana la sheegay in 2 qof ay oo rayid ah ay ku dhaawacmeen iyadoona Ciidamada Ammaanka weeraradaasi Madaafiicda ah kadib billaabeen baaritaanno xoogan.

Dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa sheegay inay aad u argagaxeen markii ay maqleen madaafiicda soo dhacday, durbana ay ku kala carareen guryaha dhismahooda adag yahay ee loo yaqaan Shubka.

Hay’addaha ammaanka dowladda ayaa tagay durba meeshii ay wax ka dhaceen, waxayna wadaan baaritaanka ku aadan hoobiyeyaasha soo dhacay iyo hadii ay jiraan Khasaare ka dhashay.

Lama oga Hoobiyeyaashaan xaafaddaha laga soo tuuray ee ka tirsan Magaalada Muqdisho.

Sida muuqata Bartilmaameedka Hoobiyeyaashaasi ayaa waxa ay yihiin Madaxtooyadda Somaliya oo dhowr mar sidan oo kale madaafiic loogu soo tuuray.

War hadda soo dhacay: Mid ka mid ah Ilaalada Suuqa Siinaay oo saaka lagu dilay Gudaha Suuqaasi oo KU yaala Muqdisho

Maarso 30, 2017

WAAJIDPRESS – 30 MAR 2017:

Muqdisho – Kooxo Hubeysan ayaa mid ka mid ah Ilaalada Suuqa Siinaay ee Magaalada Muqdisho ku dilay Halkaas.

Marxuumka oo lagu Magacaabi jiray Cabdullaahi Gacmo Gaab ayaa saaka lagu dilay Suuqaasi Siinaay.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Dilka Marxuumkaasi iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in Kooxaha ka dambeeyay dilkiisa ay dhici rabeen Suuqaasi.

Halka ilo kale ay ku warrameen in Marxuumka intii uu noolaa Beryihii dambe uu la kulmayay Hanjabaadyo kala duwan.

War deg deg ah: BEESHA SHEEKHAAL OO KA SOO HORJEESTEY XUKUUMADII MAANTA LA ANSIXIYEY

Maarso 30, 2017

WAAJIDPRESS – 30 MAR 2017:

Kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen Cuqaasha, Odayaasha, Aqoonyahanka, siyaasiyiinta, iyo Dhalinyaradda Beel weynta Sheekhaal oo ka dhacay Magaala Madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, taariikhdu markay aheyd 29 Marso 2017, ayaa waxay Beeshu si cod buuxa leh uga cabanaysaa , isla markaana si wada jir ah uga soo horjeedaa Saami la’aanta Awood qeybsiga siyaasadda ee Golaha Wasiiradda ee uu soo magacaabay Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya Mudane: Xassan Cali Kheyre.
Beeshu waxay dhaliilaysaa go’aankaas, Waxayna hoosta ka xariiqaysaa in qaabka golaha wasiirada loo soo dhisay uusan ka turjumaynin hankii shacabka soomaliyeed sugayay ee ahaa dowlad ku dhisan cadaalad iyo hanaan siyaasadeed oo ka hufan eex iyo nin jeclaysi.
Sidaa owgeed, beesha oo midaysan, waxay hogaanka sare ee Dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha u cadeynayaan in Beeshu ay marnaba raali ka noqon doonin Saami la’aanta xukuumada cusub . Sidoo kale, waxay Beeshu cod dheer ugu Baaqayaan Hogaanka sare ee Dalka inay arinkaas dib u eegis ku sameeyaan.
Beesha waxay laf dhabar u tahay waxbarashda, ganacsiga, canshuur bixinta iyo arimaha bulshada ee dalka.
Beesha waxaa ka maqan xuquuqaad badan oo ay ku lahaayeen guud ahaan dowladda sida safaaradaha, agaasimayaasha guud, maareeyayaasha, hogaanka ciidanka iyo shaqaalaha dowladda.
Sidaas darteed, beeshu waxay mar labaad baaq u diraysaa in madaxda dowlada, gaar ahaan Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo R. Xassan Cali Khayre ay saxaan khaladka ka dhacay isla markaana ay beesha ka qaybgaliyaan hanaanka siyaasadeed ee dalka.

DAAWO: ANSIXINTA IYO DHAARINTA GOLAHA WASIIRADA EE UU MAANTA BAARLAMAANKA…..

Maarso 29, 2017

WAAJIDPRESS – 29 MAR 2017:

 

 

DAAWO: XILDHIBAAN DAAHIR AMIIN JEESOW OO MAANTA KHUDBAD LOO DIIDEY

Maarso 29, 2017

WAAJIDPRESS – 29 MAR 2017:

Haddaba waxaa jiray qaladaad iyo waxyaabo laga diiwaan geliyey kulankaaas Baarlamaanka ku ansixiyey golaha wasiirada oo uu shir guddoominayey Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka C/wali Ibraahim Muudeey.
Muudeey ayaa xakameyn waayey xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya waxaana halkaas ka muuqatay inuusan awood buuxda u laheyn xakameynta xildhibaanada, sidoo kalana wuxuu adeegsanayey ereyo aan ku habooneyn inuu xildhibaanada u adeegsado maadaama uu shirka toos ka ahaa inta badan TV-yada Soomaaliya.
ereyada uu adeegsanayey Muudey maahan kuwa aan idinla wadaagi karno intii daawaneysay muuqaalka tooska ahaa ayaa dareemayey.
Sidoo kale waxaa kulanka ka dhacay in laga saaray laba Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya waxaana ka ku jiray Xildhibaanda laga saaray howlka shirka Daahir Amiin Jeesow oo la murmay Muudeey oo ahaa shir guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaana la amray inuu ka baxo shirka.
Dhanka Xildhibaanada waxaa jirtay inaysan muujineyn mas’uulinimo maadaama la arkayey iyagoo inta badan aan dhageysaneyn hadalka iyo qorshaha xukuumadda oo uu halkaas kusoo bandhigay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya.
Sidoo kale xildhibaanada ayaa markasta loo sheegayey inay howlka soo galaan si kalsoonida loogu qaado xukuumadda taasina waxay aheyd qalad kale oo ka jiray kulankii maanta, waxayna midaas u muuqatay inay horey go,aan uga qaateyn ansixinta Golaha wasiirada.

Jeesoow ayaa muran badan ka dib sheegay inuu kulanka isaga baxayo taasoo keentay inuu guddoomiye Ku xigeynka Baarlamaanka Muudey u sheego inuu isaga baxo kulanka, waxaana halkaas isaga baxay jeesow – DAAWO: