War deg deg ah: Diyaarado dagaal oo duqeeyay kolonyo gaadiid Shabaab ay wateen Gobolka Gedo

WAAJIDPRESS – 1 MAR 2017:

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya duleedka Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo, diyaarado dagaal oo aan la aqoon dalka laga leeyahay, ayaa waxa ay beegsadeen kolonyo gaadiid ay wateen Shabaab.

Gaadiidka ay wateen Shabaab ee diyaaradaha ay duqeeyeen ayaa la sheegay inay ahaayeen booyadaha biyaha lagu dhaamiyo, waxaana la sheegay booyadahan inay ka baxeen Degmada Ceelcadde, ayna u sii socdeen deeganada howdka ah ee ciidamada jabhadaha Shabaab ay ku jiraan.

Taliyaha ciidanka Dowladda ee Gobolka Gedo Cabaas Ibraahin Gurey, ayaa u xaqiijiyay Dhacdo.com duqeynta ay fuliyeen diyaadaraha dagaalka ah, balse wuxuu ka gaabsaday inuu faah-faahiyo khasaaraha.

Wuxuu sheegay Taliye Cabaas Gurey duqeyntaasi inay jirto oo diyaarado dagaal ay fuliyeen, ayna beegsadeen Gaadiid Shabaab biyo u waday.

Illaa hadda ma cadda diyaaradaha fuliyay duqeyntaasi dalka laga leeyahay, inkastoo aagga Ceelcadde iyo Gobolka Gedo dhowr mar diyaarado dagaal ay duqeeyeen, kuwaasi oo laga leeyahay dalka Kenya.

Al Shabaab ayaa ku sugan Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo, waxaana Magaaladaasi yaalla gaadiid badan iyo ciidamo Shabaab ka tirsan oo dhaq dhaqaaqyo ciidan ka sameeya Gobolka Gedo.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: