DAAWO SAWIRADA:- DF & Midowga Yurub oo Kulan xasaasi ah ka yeeshay Dhaqaalaha ciidamada Booliska iyo..

WAAJIDPRESS – 1 MAR 2017:

img_1671 img_1665

img_1666 img_1667 img_1668 img_1669 img_1670

Kulan ay si wadajir ah u guddoominayeen Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Maxamed Ibrahim Fargeeti iyo EU Ambassador Mrs. Veronique ayna ka qayb galeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Boliiska oo uu hoggaaminaayey Taliyaha Ciidanka Boliiska S/GAAS Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud ayaa saakay lagu qabtay Airportka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Waxaa shirkaasi lagu soo bandhigay daraasad muddo laba bilood ah lagu sameynaayey xaaladda Dhaqaale iyo Ciidan ee uu boliisku ku sugan yahay si ay boliisku ugu suurtowdo inuu hawlihi loo egmaday uu si hufnaan ah ku qabsado.
Taliyaha ayaa sheegay inay saraakiisha Ciidanka ay diyaar u yihiin inay EU kala shaqeeyaan hawlaha dib u habeynta Ciidanka.
Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda dhankiisa wuxuu caddeeyey in Boliisku uu tusaale yahay dib u habeynta Ciidamada Amniga Dalka.
Waxaa gebagebedii gunaanadka shirka ka hadashay Ambassador ka EU Mrs. Veronique Oo sheegtay inay ilaa iyo 2020 ay boliisku u hayaan mushaahar.
Ayna diyaar u yihiin inay ka qayb qaataan dib u dhiska Ciidanka Boliiska gaar ahaan dhanka Mushaaraadka, qalabka iyo tababarka. Iyo Sidoo kale daryeelka dadka da’da ah ee ku gaboobay hawsha Boliiska.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: