DEG DEG:-Gaas oo go’aan aan laga fileyn ka qaatay mustaqbalkiisa siyaasadeed

WAAJIDPRESS – 2 MAR 2017:

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ayaa muujiyey go’aan siyaasadeed mustaqbalkiisa ku saabsan oo aan laga fileyn xilli cadaadis xooggan uu saaran yahay.

 
Gaas oo ka hadlay furitaanka haamanka shidaalka garoonka Boosaaso, ayaa sheegay inuusan kusoo noqon doonin hoggaanka maamulka Puntland haddii uu dhameysto waqtiga uga haray xilligiisa oo ah illaa hal sano.

 
Gaas oo dhalleecanaya dad uu sheegay inay qal-qal siyaasadeed ku hayaan Puntland ayaa yiri “kuwa doonaya in xukunka yimaadaan, waqtiga yar ee noo haray ha sugaan, anagaaba dooneyna inaan banneeno oo aan sii jooginee”.

 
Hadalka Gaas ayaa yimid, ayada oo qaar ka mid ah xildhibaanada Puntland ay wadaan mooshin la doonayo in xilka looga qaado.

 
Cabdi Weli Gaas ayaa tan iyo markii uu xukunka yimid, waxaa aad u kordhay amni darrada ka jirta Puntland, ayada oo ciidamada maamulkana ay marar badan ka cabteen mushahar la’aan.

 
Waxaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu yahay maqane xukun haya, oo inta badan waqtigiisa ku qaata magaaloyinka Muqdisho, Addis-Ababa iyo Nairobi, oo aanu wax war ah u hayn xaaladda Puntland.

 
Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in cadaadiska saaran Gaas dartiis aanu haweysan karin inuu mar kale is-sharxo.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: