War deg deg ah: Qarax lagu weeraray maxkamada darajada koowaad ee Magaalada Boosaaso

WAAJIDPRESS – 4 Mar 2017:

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, qarax bambaano ayaa lagu tuuray maxkamada Darajada koowaad ee Gobolka Bari oo ay ka socdeen shaqooyinkii maalinlaha ahaa.

Wararka waxa ay sheegayaan nin dhalinyaro ah inuu maxkamadda ku tuuray bam gacmeedka gacanta laga tuuro, waxaana la sheegayaa inuu ka dhashay Khasaare dhaawac ah oo soo gaaray dadkii maxkamadda ku sugnaa.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex ruux ay ku dhaawacmeen qaraxa lagu tuuray maxkamadda darajada koowaad ee Magaalada Boosaaso.

Dadka dhaawacmay ayaa ah shacab ku sugnaa maxkamadda, xilliga weerarka qaraxa maxkamadda lagu tuuraayay, waxaana warka intaasi uu ku darayaa inay suuragal tahay tirada dhaawaca saddexda ruux inay intaasi ka badan yihiin.

Ciidamada ammaanka maxkamada ayaa furay rasaas qal qalgelisay dadkii goobta ku sugnaa, taasi oo keentay inay dadka kala cararaan, waxaana meeshaasi ku baxsaday sida la sheegayo ninkii bamka ku tuuray maxkamada.

Ammaanka Magaalada Boosaaso ayaa u muuqda mid faraha ka baxay, maadaama dharaar cad qarax lagu weeraraayo maxkamada Magaalada Boosaaso ee darajada koowaad.

Dhawaan ayeey aheyd markii Taliyaha Booliska Puntland uu sheegay ammaanka Magaalada Boosaaso inuu yahay mid hagaagsan oo dhibaato aysan ka jirin.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: