Wararkii ugu dambeeyay ku dhawaad 70 ruux oo shuban biyood ugu geeriyooday Gobolka Baay

WAAJIDPRESS – 4 MAR 2017:

illaa lixdan iyo sagaal (69) qof ayaa cudurka shuban biyoodka ugu geeriyootay Degmada Awdiinle oo ka tirsan Gobolka Baay, waxaa kaloo la sheegayaa ilaa kontan (50) qof oo kale Isbitaallada la dhigay.

Gudoomiyaha Degmada Awdiinle Cabdulahi Maxamed Cumar oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dadkaasi lix(6) ka mid ah ay shalay dhinteen, halka tirada kalena ay geeriyoodeen qaarkood saacadihii ka horeeyay.

Mr. Cabd[ulaahi waxa uu Hay’addaha gar gaarka, guddiyada abaaraha iyo dhammaan shacabka ugu baaqay in gar gaar la la soo gaaro dadka dhibaateysan ee ku sugan Degmada Awdiinle iyo deeganada kale ee hoosyimaado.

Xaalada Abaarta ee ka jirta Koonfurta Somaliya ayaa hadda waxaa ugu darsoomay Shuban biyood ka dalaacay Gobolka Baay oo dad badan iminka ay la ildaran yihiin, halka kuwa kalena ay u dhinteen.

Guddoomiyaha Degmada Awdiinle, ayaa sheegay hadii dadka aysan helin gurmad caafimaad oo deg deg xaalada inay intaasi ka sii daro karto, maadaama halis badan oo dhanka caafimaadka ah ay jirto.

Goobaha caafimaadka Degmada Awdiinle, ayuu sheegay inaysan haysan qalab fiican oo dadka ay ugu gurman karaan, taasi oo qayb ka noqonaysa dhibaatada haysata rayidka.

Abaaro ba’an ayaa ka jira gobolka, dowladda Somaliya ayaa ku jirta gar gaarka dadka, illaa soddon iyo labo(32) Mliyan oo doollar ayey dowladda sheegtay in ay ka soo gaartay Beesha caalamka, taas oo qeybinteeda ay socoto.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: