War deg deg ah: AKHRISO THEN DAAWO: MADAXWEYNE FARMAAJO OO SOO SAAREY AMARO AAD UGA CAREYSIIYEY SOMALILAND IYO MAAMUL GOBOLEEDYADA DALKA

WAAJIDPRESS – 5 MAR 2017:

Dowlada Soomaaliya ayaa qaaday talaabadii ugu horeysay oo ka careysiin karta maamul goboleedyada dalka gaar ahaan Puntland, Somaliland, Jubbaland iyo kuwa kale.

Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Maxamed Farmaajo ayaa lasoo sheegayaa inuu qaaday tilaabadii ugu weynayd ee kula xisaabtamayo dowlad goboleedyada iyo hay’addaha deeq bixiyaasha ah.

Tilaabadaan ayaa ah in madaxweyne Farmajo uu hay’addaha Qaramada Midoobay ku amrayo inay mashruuca JPL oo kamid ah mashaariicda ugu waaweyn ee ka socda Soomaaliya maamulkiisa loosoo wareejiyo dowlada dhexe ee Soomaaliya islamarkaana ay dowladda federalku ay hogaamiso qorshihiisa iyo fulintiisa.

Amar kaas lamid ah waxaa loo sheegay madaxa maamul goboleedka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sh Aadan, kaas oo gacanta ku haya mashaariic ay hogaaminayaan Imaaraadka iyo Ingiriiska.

Sidoo kale, madaxweyne Farmajo ayaa dowlad goboleedyada kala hadlaya sidii mashruucaan uu u yeelan lahaa hal hogaan oo ah dowladda dhexe ee federalka, iyadoo dowlad goboleedyaduna tashigooda ku leeyihiin.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Xamar ku casuumay wafdi ka socda wasaaradda arrimaha gudaha Puntland iyo guddoomiyayaasheeda degmooyinka, waxaana laga tashanayaa in arrintaan go’aan cad laga qaato.

Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo ayaa madaxweynaha J/Land ku wargeliyay in hay’ad aanan ruqsad ama fasax ka haysan dowlada dhexe aysan ka shaqeyn karin deegaanadda Jubbaland.

Mashaariicda magaalada Muqdisho, waxaa gacanta ku haya dowlada dhexe ee Soomaaliya, dhawaan ayayna odayaasha Muqdisho ku wargeliyeen madaxwenaha cusub Farmaajo in la simo xaquuqda gobollada, isla markaana deeganada kale laga qaado canshuuraadka halka dhaqaalaha Xamar kasoo xarooda ay dowlada ku shaqeyso

Warkan ayaa sidoo kale intaas ku daraya in dhamaan hay;adaha ka shaqeeya gudaha Somaliland ay qasab ku tahay iney soo maraan dowlada dhexe ee Soomaaliya, hadii ay amarkaas qaadan waayaana ay ku dacweyn doonaan dalalka ay kasoo jeedaan gudaha Soomaaliyana laga masaafurin doono.

Imaaraadka oo ah dalka mashaariicda ugu badan ka fuliya maamul goboleedyada ayaa arintan ay ku noqon doontaa mid dhabar jab ah, maadaama ay malaayiin dollar geliyeen mashaariic aysan dowlada dhexe waxba ka ogeyn, – DAAWO:

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: