War deg deg ah: Saddex qof oo hadda lagu dilay Magaalada Muqdisho

WAAJIDPRESS – 6 MAR 2017:

Saddex qof oo middi ay dumar tahay, ayaa saacadihii ugu dambeeyay waxaa siyaabooyin kala duwan loogu kala dilay Magaalada Muqdisho.

 Nin magaciisa lagu sheegay Nuur Cali Isaaq, ayaa waxaa caawa lagu dilay Degmada Xamar Jajab, gaar ahaan hoygiisa oo ku yaalay xaafadda Buulada.

Tallaabada lagu dilay ninkan, ayaa waxay ka dambeysay markii rag bistoolado ku hubeysan, ay ku weerareen hoygiisa. Raggan oo tiradoodu lagu sheegay laba nin, ayaa madaxa ka toogtay marxuumka.

Dhagar-qabayaasha waxaa dilka ka dib u suurta-gashay in ay ka baxsadaan goobtaasi. Ciidamada Booliska oo daqiiqado ka dib gaaray goobtaasi, ayaa ku fashilmay soo qabashada dembiile-yaasha.

Nin kaloo dhalinyaro ahaa, ayaa waxaa galabta lagu dilay Degmada Hodan, gaar ahaan Laami-yaharaha Isgoyska Zoope. Ninkan oo la socday gaari nooca raaxada ah, ayaa la sheegay in uu u geeriyooday rasaas ay furayn askar ka tirsan Ciidamada Dowladda, oo xilligaa wadada maraayay. Goobjooge-yaal, ayaa sheegay in xilligii ay rasaasta furayen askarta uu mashquul ka jiray wadada.

Dilka 3aad, ayaa gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Degmada Yaaqshiid, ka gadaal markii laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa ay qaarka kore ka toogteen hooyo Shamsa Xaaji.

Shamsa Xaaji waxay xubin ka ahayd Haweenka Nadaafadda Gobolka Banaadir. Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, C/fitaax Cumar Xalane, ayaa dilka haweeneydaasi ku eedeeyay mintidiinta Al Shabaab.

Dilalka qorsheysan, ayaa dhawrkii toddobaad ee ugu dambeysay ku soo badanaayay Magaalada Mudisho, waxayna ku soo aadaysaa, xilli Maxamed C/laahi Farmaajo loo doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya.

Afhayeenka Guud ee Ururka Al Shabaab, Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo sheegay inaanu Farmaajo waxba ka duwanayn Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku goodiyay in ay dagaal adag la geli doonaan.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: