SAWIRO: Caasimada Maamulka Koonfur Galbeed oo ah Baraawe oo Si Weyn manta Looga Xusey Maalinta Haweenka Aduunka

Xaflad balaaran oo lagu maamusayay maalinta Haweenka aduunka oo ku aadan 8 March ayaa lagu Qabtey Magaalada Barawe Caasamada U Ah Dowlad Goboleedka Somaliyeed Ee Koonfur Galbeed  waxaana haweenku ay u abaal dagayeen maalinta ugaar ka ee 8-March,iyaga oo iskugu hambalyeynaya qiimaha maalintan oo sanad-kiiba mar ay xusaan haweenka.

Waxaa soo abaabulay munaasabaddaan Gudoomiyaha Ururka haweenka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Marwo Maryan Mukhtar Maxamed  Waxana Ku Taagyeerayey Barnamijka Dalbile Oo Kaalmada U soo Mariso Usiad Waxaana Ka Qeyb Galay Wasiiro Ka Tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Gudoomiyaha Gobolka Shabelada Hoose Sarakisha ciidamada Maamulka Degmada Magalada Barawe haween aad u badan oo ka kala Ganacasato.

Dadkii ka hadaly waxa ka mid ahaa Gudoomiyaha Ururka Haweenka Degmada Baraawe Fadimo Gaabow Isman iyo Gudomiyaha Magalada Barawe Aadan Omar Madoobe Ayagoona ku dheeraday Xuska Maalinta Habeenka.

Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Shabellada Hoose Maryan Mukhtar Maxamed Maryan Barawe ayaa hambalyo u dirtey Haweenka somaaliyeed.

Gudoomiyaha Gobolka Shabelada Hoose Ibrahim Adan Ali Najax ayaa Dumarka Ku Booriyeen In ay Isku Dhabar Adeegan.

Waxaa kale oo xafladii manta ka dhacdey Degmada Baraawe ka Hadley Dr. Madoobe Nuunow Maxamed Gudoomiyaha Gudiga Gurmadka abaraaha Ahna Wasirka Xananada Xoolada ee dolwad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Wasiirka Bii’ada ada ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Macalin Maxamud maxamed Macalin Jiis iyo Xildhibaano iyo Wasiiro kale oo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.

Waxay fursad weyn u ahayd xafladani Haweenka kala duwan oo mudadii ay xafladu socotay samaynayay is dhexgal iyo afkaaro is weydaarsi.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: