War deg deg ah: Xildhibaan ka tirsan Maamulka Puntland oo dhaawac ka soo gaarey Qarax lala eegtey Waqooyiga Gaalkacayo

WAAJIDPRESS – 8 MAR 2017:

Xildhibaan C/qaadir Faarax Bootaan oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland, ayaa casir liqii galabta ku dhaawacmay qarax ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegay in loo maleynayo in qaraxani lagu soo xiray gaariga gaarka ah ee Xildhibaan C/qaadir Faarax Bootaan, waxaana uu qaraxu dhacay, xilli uu saarnaa gaarigiisa.

Xildhibaanka, ayaa waxaa qaraxan lala beegsaday, wax yar ka dib markii uu ka soo baxay Classic Hotel oo ku yaala Waqooyiga Gaalkacyo, oo Puntland ay ka arrimiso.

Goobjooge-yaal, ayaa sheegay in Xildhibaan Bootaan uu si xun ugu dhaawacmay qaraxaasi, isla-markaana lagula cararay Isbitaalka Guud ee Waqooyiga Gaalkacyo.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxani, hase ahaatee waxaa lala xiriirinaya Ururka Al Shabaab. Sidoo kalana waxaan jirin wax war ah oo weli ka soo baxay Maamulka Puntland.

Shabaabka, ayaa qaraxyo joogto ahi ka gaysta deegaanada ay ka arrimiso Dowladda Dhexe Somaliya iyo Maamul Goboleedyada Wadanka ka dhisan.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: