Dagaal culus oo ka dhacay Degmada Baardheere

WAAJIDPRESS – 9 MAR 2017:

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, dagaal u dhaxeeyay ciidamada Shabaab iyo ciidamada Itoobiya ayaa ka dhacay Magaaladaasi.

Ciidamo Shabaab ka tirsan ayaa soo qaaday dagaalkaan, waxayna beegsadeen Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baardheere oo fariisimo ay ku leeyihiin ciidamada Itoobiya ee hawlgalka Amisom ka tirsan.

Dagaalkaan oo ku bilowday qoryaha garabka laga rido oo lagu tuuray fariisimada ciidamada Itoobiya ayaa la isku adeegsaday hub culus oo dhawaqiisa laga maqlaayay xaafaddaha magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Saraakiisha ciidamada Milateriga Degmada Baardheere ayaa sheegay in dagaalkaasi ciidamada Amisom uusan wax khasaare ah ka soo gaarin, sidoo kalena ay carareen Shabaabkii dagaalka soo qaaday.

Waxa ay sheegeen Saraakiisha iminka inay ku daba jiraan raadadka dagaalyahanada Shabaab ee saaka weerarka ku soo qaaday garoonka diyaaradaha Magaalada Baardheere.

Al Shabaab ayaa baraha Internet-ka ee wararka ku faafiyaan waxa ay ku sheegteen dagaalkaasi inay khasaare ku gaarsiiyeen ciidamada Itoobiya ee Saldhiga Millateri ku leh Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baardheere.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: