DEG DEG: Guddoomiye caawa lagu Toogtay Magaalada Muqdisho…

WAAJIDPRESS – 8 MAR 2017:

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Sanca ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow oo caawa ah halkaasi lagu dilay Nin ka tirsanaa Maamulka Degmadaasi.
Dadka Degaanka ayaa sheegay Ninka la dilay magaciisa in uu ahaa Macalin Shabeelow oo ka tirsanaa Guddoomiye waaxeedyada DegmadaYaaqshiid.
Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka Macalin Shabeelow, waxaana dilka kadib ay ka baxsadeen goobta, sida ay inoo sheegeen dadka Degaanka.
Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka oo wata Gaadiidka Dagaalka ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay, halkaasi oo ay ka wadaan baaritaano ku aadan sida uu dilka u dhacay iyo raadinta raggii dilka geystay.
Goobjooge halkaasi ku sugan ayaa sidoo kale sheegay Ciidanka ammaanka in ay isku geedaamiyeen xaafadaha ay Degmadaasi ka kooban tahay, gaar ahaan goobta uu dilka ka dhacay, waxaana ay wadaan Howlgallo.
Maalmahan Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan kuwaasi oo lala beegsanayay Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka, Odayaasha Dhaqanka ee soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Askarta.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: