War deg deg ah: Qarax Bambaano oo Caawa lagu weeraray xarunta Madaxtooyada Hirshabelle

WAAJIDPRESS – 10 MAR 2017:
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in caawa bam gacmeed lagu weeraray xarunta Madaxtooyada Hirshabelle uu degan yahay Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble.

Qaraxa bambaano ayaa lagu tuuray xarunta Madaxtooyada Hirshabelle caawa salaadii maqrib kadib, waxaana qaraxa markii uu dhacay rasaas xoogan kor u riday ciidamada AMISOM iyo ciidanka maamulka Hirshabelle ee ilaalada ka hayay xarunta Madaxtooyada.

Sida aan wararka ku heleyno xiliga bambaanada lagu weerararay xarunta Madaxtooyada Hirshabelle waxaa kulan ku lahaa Madaxweynaha Hirashabelle Cali Cabdulaahi Cosoble iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulkaasi.

Bambaanada caawa lagu weeraray Madaxtooyada Hirshabelle ayaa la sheegay in aysan ka dhalan wax khasaaro ah , waxaana goobta ka baxsaday ruuxii bambaanada caawa ku weeraray xarunta Madaxtooyada Hirshabelle.

Magaalada Jowhar oo kamid ah magaalooyinka xiligan ugu nabdoon Soomaaliya ayaa mararka qaarkood waxaa ka dhaca qaraxyo bambaano oo lagu weearo saldhigyada ciidanka iyo guryo ay degan yihiin masuuliyiin.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: