War deg deg ah: Maanta Tiro Hoobiyaal ah oo ku soo soo hoobtay Xaafado ku dhow dhow Kulliyadda Jaalle Siyaad

WAAJIDPRESS – 11 MAR 2017:

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Tiro Hoobiyaal ah ayaa maanta waxa ay ku soo dhaceen Nawaaxiga Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho.

Hoobiyayaasha oo aan la ogeyn Bartilmaameedkooda ayaa la sheegay in xaafado ku dhow dhow Kuliyada Jaallo Siyaad ay ku hoobteen.

Ma cadda Khasaaraha ka dhashay Hoobiyayaashaasi iyo cidda ka dambeysa walow Al Shabaab ay horay weeraro Madaafiic ah uga fuliyeen Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale isla maanta, Wararka laga helayo Degaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in madaafiic xoogan lagu garaacay Saldhig Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Weerarka ay qaadeen Xubno ka tirsan Xoogaga Xarakada al Shabaab.

Ciidamada AMISOM ayaa dhankooda madaafiic kale uga soo jawaabay Duqeynta lagu beegsaday saldhigooda ku yaalla Degaanka Leego ee Gobolka Sh.Hoose.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: