War Deg Deg Ah: Ciidamo gadoodsan oo xiray Wadooyin Muhiim ah oo kuyaala Muqdisho

WAAJIDPRESS – 12 MAR 2017:


Ciidamo aad u hubeesan oo katirsan milatariga Soomaaliya ayaa manata xiray wadooyin badan oo kuyaala magaalada Muqdisho, Ciidankan ayana gaadiidka kala duwan u diiday in ay maraan wadooyinka u xiran.

Sida ana Wararka ku heleyno ciidankan oo wata gaadiidka dagalaka iyo hub badan ayaa isugu soo baxay Wadooyinka Muqdisho qaarkood, waxa ayna ciidankan ka gadoodsan yihiin mushaar la’aan dhoor bilood lasoo daristay.

Ciidamada Milatariga ayaa xiray Wadada KM-4 ilaa Isgooska Banaadir, waxa ay sidoo kale ciidamada gaadiidkooda dagaalka iyo dhagxaan ku xireen wadooyin kale oo kuyaala magaalada Muqdisho oo muhiim u ahaa isku socodka dadka iyo gaadiidka.
Sida aan wararka ku heleyno Ciidamada ayaa isku sii fidinaya wadooyin kale oo kuyaala magalada Muqdisho ay xirayaan, waxaana jirta cabsi ay dadka ka qabaan in ciidanka gadoodsan ay waxyeelo u geestaan dadka iyo goobaha ganacsi.
Dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin gadoodkan ay sameeyeen ciidanka Milatariga Soomaaliya, waana markii ugu horeesay oo gadood ceynkan ah ay sameeyana ciidanka qalabka sida gaar ahaan kuwa Milatariga.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: