War cusub: Imaaraadka oo durba qas ka abuuray dekedda Berbera (Maxaa maanta dhacay)?

WAAJIDPRESS – 12 MAR 2017:

Shaqaalaha Dekedda Berbara ee gobolka Saaxil ayaa maanta dhigay bannaanbax iyo shaqo joojin isku jira iyagoo ka cabanay caqabado ay sheegeen inay kasoo wajahday dhinaca nolosha.

 
Qaar kamid ah dadka gadooday oo lahadlay warbaahinta gudaha, ayaa xusay in shirkadda DPWorld oo 1-dii Bisha Saddexaad, la wareegtay maamulka dekeddaas ay cadaadis saartay shaqaalaha.

 
Waxay sheegeen in lagu amray inay ku shaqeeyaan mushahar yar, hadii kale la keeni doono ajaanib ku shaqaysa awaamiirta iyo rabitaanka shirkadda.
Gudoomiyaha gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf ayaa sidoo kale laanta Afk-Soomaliga ee BBC-da u sheegay in shaqaalaha ay ka cabanayaan mushaharka shirkaddaasi.

 
Waxa uu nitaasi ku daray Jaamac Yuusuf in madaxa shirkadda DP world ee dekedda uu si xun ula dhaqmay shaqaalaha.

 
“Shaqaalaha waxaa lagu amray in ay mushaar yar ku shaqeeyaan, haddii kalena kuwo ajaanib ah la keeenayo iyadoo shaqaalaha qaarkood la xir-xiray, rasaasna lagu riday” ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf.

 
Ilaa iyo hadda maamulka shirkadda DP World ayaan weli ka hadlin cabashada shaqaalahan.
Tallaabadan ayaa timid xilli shirkaddan casriyayn ku samaysay Dekedda kadib hishiis ay la gashay xukuumadda Somaliland inkastoo dadka gobolkaas kasoo horjeedeen.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: