War deg deg ah: Nabadoonkii Todobaad oo hadda Muqdisho lagu Diley

WAAJIDPRESS – 14 MAR 2017:

Kooxo Hubeysan ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku dilay mid ka mid ah Ergooyinkii Xildhibaanada ku soo xulay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koofur Galbeed.

 

Kooxo hubeysan ayaa goordhow toogasho ka geystay gudaha suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

 
Kooxdaani toogashada fulisay ayaa ku hubeysnaa Bastoolado waxa ayna toogteen Nabadoon Magaciisa lagu soo koobey Khanaas.

 
Dilka ayaa ka dhacay aga-gaarka Masjidka Cali-dheere ee gudaha suuqa Bakaaraha, waxaana la sheegay in kooxihi dilka ka danbeyey ay baxsadeen.

 
Dilka Nabadoonka ayaa waxaa fuliyay laba Maleeshiyo oo ka toogtay qeybaha sare ee jirkiisa, waxa uuna sidoo kale Nabadoonka ahaa Ganacsade.
Majirto cid ka hadashay dilkaas oo waxyar ka hor ka dhacay suuqa Bakaaraha ee Muqdisho loogu geestay nabadoon Khanaas, iyadoo kooxihii Dilayna ay ka baxsadeen Goobta.

 

Al Shabaab ayaa dhawaan sheegtay Masuuliyadda dilal kala duwan oo loo geystay qaar ka mid ah Ergooyinkii wax ka soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: