War deg deg ah: Odeygii labaad oo KA mid ah ergadii soo xushey Xildhibaanada oo hadda Muqdisho lagu diley

WAAJIDPRESS – 15 MAR 2017:

Waxaa fiidnimadii caawa Magaalada Muqdisho lagu dilay mid ka mid ah Ergadii Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya soo xushay, ka dib markii ay qaybaha kore ee jirkiisa ka toogteen rag bistoolado ku hubeysnaa.

Raggan, ayaa waxay Cabdulle Xasan Maxamed (Cabdulle Uduf) ku dileen xaafadda Suuq Bacaad ee Degmada Yaaqshiid, iyadoo daqiiqad gudaheedna kaga baxsaday xaafadaasi.

Ciidamada Dowladda Somaliya oo gaaray xaafadda Suuq Bacaad, ayaan ku guuleysan in ay cadaaladda horkeenaan dembiile-yaasha. Ma jirto hawlgal muuqdo oo ciidamadu ka sameeyen halkaasi.

Cabdulle Uduf oo ku heyb ah, Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Somaliya, ayaa ka mid ahaa Ergadii Magaalada Cadaado ku soo dooratay Xildhibaan C/laahi Cali Axmed (Caddow Cali Gees).

Caddow Cali Gees, ayaa 16-kii bishii November waxaa loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka ka tirsan, ka dib loolan adag oo ka dhacay Magaalada Cadaado.

Shabaabka hubeysan ee dagaalka ka wada Somaliya, ayaa ku hanjabay in ay laayi doonaan Ergadii ka qayb qaadatay soo xulista Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya.

Mintidiinta Al Shabaab, ayaa waxaad mooddaa in ay si gaar ahi u beegsanayan Ergada Xildhibaanada ku soo dooratay Xarunta KMG Galmudug ee Magaalada Cadaado.

Muqdisho, ayaa waxaa la dhihi karaa waxay lafdhabar u noqotay goobta ugu badan ee lagu beegsanayo Ergada soo dooratay Xildhibaanada Labada Aqal.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: