Madaxweynaha Kenya Mr. Kenyatta oo maanta sheegey: “Amnigeenna iyo kan gobolka ayaan u joognaa Somaliya mana ka baxeyno”

WAAJIDPRESS – 16 MAR 2017:

Nairobi: Madaxweynaha Dalka Kenya Uhur Kenyatta ayaa sheegay in Ciidanka Kenya ee jooga Soomaaliya aysan ka baxeyn Soomaaliya ilaa AL-shabaab laga saarayo Gobolka sida uu hadalka u dhigay.

Mr Kenyatta oo la hadlayay Baarlamaanka dalkaas ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka Kenya ee Gabdhaha iyo wiilasha ah eek u sugan Soomaaliya ay sii joogi doonaan inta ay ka dhamaaneyso qatarta amni ee gudaha Kenya ay ka geystaan Al-shabaab.

Madaxweyne Kenyatta  ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay Askarta Kenya eek u dhimatay Soomaaliya gaar ahaan Askartii Ceel Cadde iyo Kulbiyoow,waxaana uu sheegay in Askartaas ay u dhinteen shacabka iyo dfaaca Kenya sidaas darteedna ay yihiin geesiyaal dhintay iyaga oo u dagaallamaya dalkooda waxana uu ka gaabsaday tirada Askarta kaga dhimataya labada weerar.

Mr Uhuru waxaa uu ku dooday in Al-shabaab aysan hadda heysan fursad ay ku cabsi geliyaan shacabka Kenya ee ku nool gudaha dalkooda taas beddelkeedana ay Ciidamada Kenya u joogaan Soomaaliya sidii ay u xaqiijin lahaayeen AMniga Soomaaliya,kan Kenya iyo Gobolka oo dhan.

Waxaa uu baarlamaanka dalkaas ka hor amaanay Amniga Soomaaliya iyo booqashadii uu ku yimid Soomaaliya ee uu kaga qeyb galay Caleema saarka Madaxweyne Farmaajo,waxaana uu xusay in intii uu ku sugnaa Muqdisho uusan dhicin hal fal oo argagixiso geysatay sidoo kalena doorashada Soomaaliya ay u dhacday si nabad ah shacabkana ay doorteen Madaxweyne ay rabeen taas oo uu sheegay in Kenya ay qeybteeda kaga faaneyso maaddaama ay ka qeyb qaadatay Nabadeynta Soomaaliya walina sii wadayaan inta laga xasilinayo Gobolka.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: