War deg deg ah: ITOOBIYA OO BAYDHABO IYO KISMAAYO HUBKII UGU BADNAA KA DAJISAY IYO FARMAAJO FARTA WADNAHA KU HAAAYO

WAAJIDPRESS – 17 MAR 2017:

Sida aan kasoo xiganay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulada K/galbeed iyo Jubba-land dowlada itoobiya ayaa diyaarado Hub ah ka dajisay Magaalooyinka Baydhabo iyo kismaayo waxaana hubkaasi la wareegay Ciidanka itoobiya ee Magaalooyinkaasi jooga.

Hubka ayaa isugu jira Midka fudud iyo Qoryaha Culus waxaana intii ay garoonka joogeen Diyaarada oo laga dejinayey xamuulka hubka ah Ciidamada Ethiopia ay joojiyeen Dhaq dhaqaayadii caadiga aha ee ka dhax socday Garoomadaasi.

Warar dheeraad ah ayaa sheegaya in Ethiopia ay hubka ugu tala gashay in ay siiso maamulada K/galbeed iyo Jubbaland si ay deegaanada Al-Shabaab kaga sugan yihiin Dowlad Goboleed yadaaasi looga saaro.

Dhanka kale warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay Madaxtooyada Soomaaliya’ ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya’ Maxamed Cabdulahi Farmaajo aad ugu naxay hubka Dowladda Itoobiya ka dajisay magaalooyinkaasi .

Madaxweyne Farmaajo ayaa amray in Magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo loo diro 20 ruux oo sirdoon ah si wax loogu ogaado hubkaasi nuucyadiisa iyo intu la eg yahay.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: