War deg deg ah: Xildhibaan C/qaadir Bootaan oo geeriyooday

WAAJIDPRESS – 19 MAR 2017:

Xildhibaan C/qaadir Faarax Bootaan oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Puntland, ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaal Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Xildhibaankaan ayaa 09-Bishan Maarso waxaa lagu qarxiyay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, iyadoo maalintii xigtay dhaawiciisa loo qaaday dalka Kenya.

Tan iyo xilligaasi Xildhibaanka waxaa lagu daaweynaayay Isbitaal ku yaal Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, balse waxaa la sheegay saaka inuu ku geeriyooday Isbitaalka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland C/rashiid Maxamed Xersi oo xaqiijiyay geerida Xildhibaanka, ayaa ka tacsiyadeeyay wuxuuna sheegay in Xildhibaanka uu u geeriyooday dhaawaca qaraxa ka soo gaaray.

Qaraxaasi masuuliyadiisa waxaa sheegtay Ururka Al Shabaab ee xoogooda ka dagaalama Koonfurta Somaliya, balse falal amnidaro ka geysta deeganada Puntland.

Qaraxa Xildhibaanka lagu dhaawacay ee ugu dambeyn sababay geeridiisa, waxa uu ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo oo Puntland ay ka taliso.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: