War hadda soo dhacay: Wariye ka tirsan Radio Shabelle oo Muqdisho lagu dhaawacay

WAAJIDPRESS – 19 MAR 2017:

Wariye  ka tirsan Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho, ayaa ku dhaawacmay israsaaseyn ciidamada dowladda ku dhexmartay nawaaxiga Isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan.

Mahad Maxamed C/raxmaan (Mutawakil) oo ah Suxufiga dhaawacmay ayaa la sheegay inuu ku sugnaa goob ciidamada Maamulka Degmada Hodan ay ka wadeen howlo bur burin ah.

Ciidan kale oo la sheegay inay ka tirsan yihiin dowladda oo ka carooday bur burinta guryaha lagu haayo ayaa rasaas ku bilaabay ciidamada Maamulka Degmada Hodan, waxaana halkaasi ka dhashay Khasaare.

Wariyaha oo ku sugan goobta ayaa xabadihii ciidamada ay isweydaarsanayeen ku dhacday sida Suxufiyiin Shabelle ka tirsan ay xaqiijiyeen.

Wariyaha ayaa la sheegay garabka iyo kilida inay kaga dhacday xabada, iminkana lagu dabiibayo Isbitaal ku yaal Magaalada Muqdisho.

Suxufiyiinta Radio Shabelle waxa ay ku waramayaan xaaladda Wariyaha inay tahay mid wanaagsan oo iminka daryeel caafimaad loo fidiyay.

Idaacadda Shabelle ayaa ka mid ah Idaacadaha ka hawlgala Magaalada Muqdisho oo suxufuiyiin fara badan laga dilay.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: