Dilalka Muqdisho oo sii socda & Kooxo Hubeysan oo Goordhow Toogasho ka geystay Yaaqshiid (Magaca Ninka la dilay)

WAAJIDPRESS – 20 MAR 2017:

Dableey Bastoolado Wadatay ayaa Galabta Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ku Dishay Nin Magaciisa lagu soo koobay Amadi oo ka mid ahaa sida la sheegay Dadka Degmadaasi ku nool.

Raggan oo lala xiriirinayo Ururka Al Shabaab, ayaa dhawr xabadood huwiyay ninkaasi oo naaneystiisa lagu sheegay Amadi, iyadoona aan la garanayn ujeedada ka dambeysa dilkiisa.

Dableeydii Dilka Fulisay ayaa Goobta ka baxsatay sida ay sheegeen dad ku sugnaa xaafada uu dilka ka dhacay kuwaas oo saxaafada la hadlay.

Ninka la dilay ee Magaciisa lagu soo Koobay Amadi ayaan la ogeyn illaa hadda Cida uu u shaqeeyo, laakiin dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay inuu kamid ahaa dadka xaafadda ee sida weyn loo yaqaan.

Magaalada Muqdisho oo amaankeeda aad iyo aad u xumaadey, ayaa waxaa joogto ka noqday dilalka ay ka gaysanayan ragga bistooladaha ku hubeysan, ee sida dhow loola xiriirinayo mintidiinta Al Shabaab.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: