War deg deg ah: Qarax ka dhacay MUQDISHO iyo Haweeney si gooni ah loogu diley MUQDISHO

WAAJIDPRESS – 19 MAR 2017:

Wararka inaga soo gaaray Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegyaan in Rag bistoolado watay ay goor dhow qof haweeney ah ay ku dileen degmadaasi.

Kooxdii dilka geysatay ayaa baxsaday waxaana la ‘ogeyn ilaa iminka sababtay ay haweyneydan u dileen kooxaha hubeysan.

Mudooyinkii u dambeyaya Magaalada Muqdisho waxaa ka socday Dilal qorsheysan iyadaa taana ay aheyd mid xoogeystay wixii ka dameyay doorashii Madaxweyne Farmaajo.

Warar kale oo hadda soo dhacay, Qarax xoogan ayaa laga maqlay daqiiqado ka hor Saldhiga Degmada Kaaraan Ee Magaalada Muqdisho.

Qarax waxaa dad goob jooga yaal ah ay ku sheegeen in uu ahaa Bamgacmeed saldhiga lagu tuuray.

Ilaa hadda wax faah faahin intaa kabadan lagama hayo, iyadoo kooxda Bamka tuurtayna ay baxsadeen.

Waa dhacdadii labaad oo amaan dari ah oo caawa ka dhacda degmada kaaraan oo ka mid aheyd degmooyinka ugu nabdoon.

Taliska Booliska iyo kan maamulka Degmada kaaraan weli kama aysan hadlin dilka iyo Bamgacmeedka caawa lagu tuuray Saldhiga kaaraan.

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: